Madasha Badbaado Qaran oo sheegay inay qaadayaan tallaabo ka dhan ah muddo kordhinta

13 April 2021 (Puntlandes) Madasha Badbaado Qaran oo ay ku mideysan yihiin Midowga Musharaxiinta, Guddoomiyaha Aqalka Sare, Jubbaland iyo Puntland ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay go’aankii Dastuur ku tumushada ahaa ee Golaha Shacabka xilka labo sano ugu kordhiyay Madaxweynaha xilkiisu dhammaaday.

Madasha ayaa sheegtay in go’aankaas uu halis ku yahay xasiloonida, nabadda iyo wadajirka Ummadda Soomaaliyeed.

Sidoo kale go’aankan ayaa ku tilmaamay inuu yahay mid lagu hor istaagayo dadaaladii lagu baadigoobayay doorasho heshiis lagu yahay iyo meel marinta heshiiskii 17 September.

Madasha ayaa sheegtay inay qaadeyso tallaabo kasta oo lagu joojinayo in muddo kordhinta sharci darada ah ee masiirka dalka lagy afduubayo, ayna ka shaqeynayaan sidii xal loogu heli lahaa maareynta xilliga kala guurka ah.

 

About The Author