Daawo muuqaal: Gen Koronto oo sheegay in dalka ay ka badbaadinayaan Farmaajo, lana wareegayaan amniga Muqdisho

13 April 2021 (Puntlandes) Gen Maxamuud Maxamed Koronto oo meel uu ku sheegay Xafiis kula hadlayey dad aan laga arkayn muuqaalka ayaa sheegay inay dalka ka badbaadinayaan madaxweynihii muddo xileedkaiisu dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed cabdulaahi Farmaajo oo uu shalay Golaha Shacabka ee isna muddo xileedkiisu dhamaaday sifo sharcidaro ah ugu kordhiyeen muddo 2 sano ah.

Gen Koronto ayaa waxa uu sheegay in Ciidamo uu sheegay inay diyaar u yihiin ay la wareegayaan amniga Muqdisho, iyagoo si buuxda goobaha muhiimka ah gacanta ugu dhigi doona sida Dekedda, Garoonka diyaaradaha iyo goobo kale.

Gen Koronto ayaa ka codsaday dadka uu la hadlayey inay diyaariyaan Ciidamo Madani, iyagoo sheegay inay shaqada bilaabaya ayna ciidankiisu yihiin diyaar.

Gen Koronto ayaa sheegay inay AMISOM la socodsiin doonaan isbedelka dalka lagu badbaadinayo. Koronto ayaa ku dheeraaday in Farmaajo Ciidankii Qaranka uu qabiil u kala soocay, isagoo qaarna soo dhawaystay qaarna iska fogeeyey.

Gen Koronto ayaa ku eedeeyey Farmaajo inuu dawlad goboleedyada ku wado burbur, isagoo shacabkii Soomaaliyeed isaga horkeenay beel beel.


Puntlandes.com

About The Author