Midowga Yurub oo Dowlada Federalka ugu hanjabay inay talaabo ka qaadayso haddii…..

13 April 2021 (Puntlandes) Qoraal ka soo baxay Midowga Yurub ayaa hanjabaad kulu dul dhigey dowlada federalka kadib muddo kororsigii uu Aqalka Hoose u codeeyay.

Qoraalkan ayaa loogu baaqey in si deg deg ah loogu laabto wadahadalada ku saabsan qabsoomida doorashooyinka iyadoo aan dib loo dhigin iyadoo lagu saleynayo heshiiskii Sebtember 17. Haddii taa la waayo, Midowga Yurub uu tixgelin doono tallaabooyin dheeri ah oo aan la carabaabin.

Hoos ka akhriso qoraalka:

Shalay, Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya wuxuu u codeeyay in si-dhab ah loo kordhiyo waqtiga Madaxweynaha iyo dowladda Federaalka labo sano kadib ciriiriga ku yimid geeddi-socodka doorashooyinka oo ay ahayd in la soo afjaro ugu dambeyn 8da Febraayo 2021. Tallaabadani waxay wiiqaysaa dadaal dheer, oo ay taageereen EU iyo beesha caalamka, si dib loogu dhiso Soomaaliya iyada oo loo marayo is afgarad.”ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay

Beesha Caalamka, oo ay ku jiraan Midowga Yurub, waxay si isdaba joog ah oo cad u muujiyeen inaanan sinnaba u aqbali karin in waqtiga loo kordhiyo dowladda, ama mid uun ama habraac kasta oo la mid ah oo la xiriira doorashooyinka, iyadoo aan la helin heshiiskii dhinacyada heshiiskii doorashada ee 17 Sebtember.

Midowga Yurub wuxuu rumeysan yahay in ansixinta iyo saxiixa qaraarkan ay kala qeybin doonaan Soomaaliya, soo rogi doonaan dib u dhacyo dheeri ah ayna khatar weyn ku tahay nabadda iyo xasiloonida Soomaaliya iyo deriskeeda. Xaqiiqdii uma adeegayso danaha dadka Soomaaliyeed.

Waxaan ku baaqeynaa in si deg deg ah loogu laabto wadahadalada ku saabsan qabsoomida doorashooyinka iyadoo aan dib loo dhigin iyadoo lagu saleynayo heshiiskii Sebtember 17. Haddii taa la waayo, Midowga Yurub wuxuu tixgelin doonaa tallaabooyin dheeri ah oo la taaban karo.

About The Author