UK oo si adag uga soo horjeesatay muddo kordhinta Framaajo

14 April 2021 (Puntlandes) UK ayaa sheegtay inay si aad ah uga xumaatay go’aanka Golaha Shacabka ay ku ansixiyeen ee labo sano loogu Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday Maxamed C/llaahi Farmaajo.

War saxaafadeed ka soo baxay Wasiirka UK u qaabilsan arrimaha Afrika James Duddridge oo Soomaali lagu turjumay hoos ka akhriso:

“Waxaan ka xunnahay labo sano in la kordhiyo muddo xilleedka Maxamed Farmaajo iyo baarlamaanka Soomaaliya.tani xal umma aha caqabadaha ku saabsan geeddi-socodka doorashada,waa tallaabo wax u dhimaysa Aaminaadda hoggaanka Soomaaliya,oo qatar ku ah amniga iyo mustaqbalka dadka Soomaaliyeed.

Si joogto ah, mar kasta waxaan uga soo horjeednay, fallalka horseedaya isbarbar yaaca doorashooyin qeybqeyb ah iyo kordhinta xilalka waqtigoodu dhamaaday.waxaan ka codsaneynaa hogaamiyaasha Soomaalida inay ka fogaaddaan ficillada siyaadin kara rabshadaha iyo xiiso siyaasadeed.

Waa muhiim dhammaan dhinacyadu inay is-dejiyaan oo ay ilaaliyaan xasilloonida.waxaana tanoo kale looga gudbi karaa,wada hadal dhab ah oo udub dhexaad u noqonaya hubinta hirgelinta heshiiskii 17-kii Sebtember ee ku saabsanaa qaabka doorashada.

Heshiiskii 17 Sept waa midka kaliya,oo sharci u noqon kara hanaanka doorashada Soomaaliya.waxaana la joogaa waqtigii hogaamiyayaasha Soomaalidu, ay eegi lahaayeen natiijada ka danbeyn doonta,danaha yaryar oo ay hadda ka leeyihiin sii joogitaanka kuraasta.waa inay si dhakhso leh ugu laabtaan wada-hadalka,si xal looga gaaro dhameystirka arrimaha uga harsanaa heshiiska,iyagoo muujinaya is-xakamayn iyo tanaasul.

Maqnaanshaha is-fgarad doorashooyin loo dhan yahay,oo la isku halleyn karo oo aan dib loo dhigeyn,waxaa isbedelli doona xiriirka bulshada caalamku,la leedahay dalka Soomaaliya.

Boqortooyadda midowday ee (UK) waxay kala shaqeynaysaa hawlgalayaasheeda caalamiga,qaab guud oo fudeyn kara in dib loo qiimeeyo xiriirka iyo nooca kaalmadeeda ee Dalka Soomaaliya”

About The Author