Farmaajo oo saxiixay Muddo kordhintii labada sano ee Golaha Shacabka

14 April 2021 (Puntlandes) Madaxweynaha moddo xileedkiisu dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa xalay afurkii kaddib saxiixay Qaraar Golaha Shacabka ee khilaafka uu ka taagan yahay ee Jihaynta doorashooyinka heer Federaal oo Baarlamaanka Soomaaliya ansixiyey Isniintii.

Farmaajo ayaa saxiixay Qaraarka iyadoo Aqalka Sare aan la horgeyn isla markaana Guddoomiyaha Aqalka Sare uu ku tilmaamay mid sharci darro ah.

Qaraarka ayaa waxaa si weyn ugaga soo horjeestey qaar ka mid ah Madaxda Dowla goboleedyada dalka iyo wadamo badan oo saaxibo la ah dowlada Soomaaliya.

Waxana Sharcigan uu yahay mid u oggolaanaya Madaxweynaha iyo Baarlamaanka oo waqtigoodu dhamaaday inay sii shaqeeyaan labada sano ee soo socota.

About The Author