Daawo muuqaal: Xildhibaano taageersan Saadaq Joon oo gaaray xaafada Shiirkole

16 April 2021 (Puntlandes) Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka oo taageersan isla markaana ku heyb ah Gen Saadiq Joon ayaa gaaray deegaanka Shiirkole ee degmada Hodon.

Xildhibaannada ayaa kala ah C/raxmaan Odawaa, Mahad Salaad iyo Cabdi Saabir.
Wararka ayaa sheegaya in Xildhibaannadan ay degi doonaan deegaanka Shirkole oo uu caawa fiidkii dib ugu laabtay Jeneraalka.

Dowladda ayaa ciidan gaysay agagaarka Shiirkole kuwaasi oo ay Macquul tahay dagaal uu dhex-maro iyaga iyo Ciidanka ku sugan Shiirkole.

Mahad Salaad oo kamid ah Xildhibaanada caawa ku sugan xaafada Shiirkole ayaa sheegay in Farmaajo iyo taliyaha Hay’ada nabad sugida Soomaaliya Fahad Yaasiin ay duulaan kusoo yihiin xaafada Shiirkole , waxa uuna ku baaqay in ciidankaasi la iska difaaco.


Puntlandes.com

About The Author