Daawo muuqaal: Wasiir Xundubey oo sheegay in lagu hawlan yahay in ciidamka lakala furfuro beeniyeyna in Saadaq Joon la weerarayo

17 April 2021 (Puntlandes) Wasiirka Amniga Soomaaliya Xasan Xunudbey oo xalay xili dambe shir jaraa’id qabtay isaga oo ku sugan gurigiisa, ayaa sheegay in dowladda aysan wax qorshe ah ka laheyn inay weerarto ama soo qabato Saadiq Joon.

Dhinaca kale Xundubey ayaa xaqiijiyey in ciidamada dowladda furfur iyo kala daadin lagu hayo oo ay ka shaqeynayaan siyaasiyiin, waxaana uu ka dalbadey in aan ciidamada la kala furfurin oo siyaasadda laga heshiiyo.

Xaaladda Shiirkole ayaa xalay aad u kacsaneyd waxaan halkaas gaaray xildhibaanada beesha Habar-gidir, si ay u garab istaagaan Gen Saadiq Joon, waxaana xalay ka dhacay magaalada Muqdisho dibad-baxyo ballaaran oo ay dhigeen shacabka degan Shiirkole iyo xaafadaha ku teedsan waxayna ku dhawaaqayeen “Farmaajo dooni meyno”


Puntlandes.com

About The Author