Akhriso Madaxweyne Axmed Madoobe oo isbadal ku sameeyay Taliyayaasha kala duwan ee Hay’adaha amniga Jubaland

17 April 2021 (Puntlandes) Madaxweynaha Dowlada Jubaland Ahmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa isbadal ku sameeyay Taliyayaasha kala duwan ee Hay’adaha amniga Jubaland.

Madaxweynaha ayaa waxaana uu Taliyaha Guud ee Ciidamada Booliska Jubaland u magacaabay Maxamed Cabdi Sheekh, halka kuxigeen loo magacaabay Maxamed Guuleed Xasan.

Sidoo kale Maxamed Axmed Sabriye oo horay u ahaa Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Jubaland ayaa loo magacaabay Agaasimaha hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Jubaland.

 

Puntlandes.com

About The Author