Daawo muuqaal: Dubbe: dowladu waa soo dhoweyneysaa in ergey gaar ah Midowga Afrika uu usoo magacaabo dalka, kaasoo nagala shaqaynaya doorashada Golaha Shacabku goaamiyey

24 April 2021 (Puntlandes) Shir jaraa’id oo uu qabtay Wasiirka Warfaafinta dowlada federalka Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe ayaa waxa uu uga hadlay baaqii ka soo baxay golaha ammanka iyo midowga Afrika.

Wasiir Dubbe ayaa shirkiisa jaraa’id ku xusay in hore ay shaki uga qabeen shirkaas oo ay shir guddoominaysay dowlada Jabuuti ayna tifatire ka ahayd dowlada Kenya.

Hase yeeshee Dubbe ayaa sheegay in dowlada ay soo dhoweyneyso qodobka ah in ergey gaar ah Midowga Afrika uu u soo magacaabo dalka Soomaaliya, kaas oo sida uu sheegay kala shaqaynaya doorashada Golaha Shacabku goaamiyey.

“Dowladaha kenya iyo jabuuti ayaa dadaal dheer ku bixiyay go’aanada shirkaa balse waxaan la yaabanahay dowlada Jabuuti maadaama khilaaf uu hore uga dhexeeyay dowlada Kenya.”ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta  Dubbe.

Dubbe ayaa yiri “Dowlada Jabuuti waxay sii wadaa wixii aan hore ugaga digney afar sano kahor,kursiga ay Jabuutiku fadhido ee guddoonka Golaha Ammaankana Soomaaliya ayaa xaq u lahayd balse Jabuuti si walaaltinimo ah ayaan ugu ogolaatay Jabuuti.”

Wasiir Dubbe oo ka hadlaya in goluhu cambaareeyay go’aan ay gaareen golaha shacabka ayaa yiri “Majiro urur cambaareyn karo dal madax banaan,waana sharci darro mana soo dhoweyneyso dowlada soomaaliya cambaareynta loo soo jeediyay golaha shacabka .”

Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay inaysan soo dhoweyneyn qodobka ah in ciidamada AMISOM ay la socdaan dhaqdhaqaaqa ciidamada soomaaliya.

“Waa arrin la yaab leh qodobkaas waana sharci darro, waxa uu si cad uga horimaanayaa waajibaadka shaqo ee amisom ee ah qaraarka 2568 ee ka soo baxay golaha amaanka qaramada midoobay,”ayuu sii raaciyay wasiirka.


Puntlandes.com

About The Author