XOG: Axmed Madoobe oo xaaladu ku xun tahay kuna wargeliyey Beesha Harti in uu hal Xildhibaan ugu daray

Warbaahinta Puntlandes ayaa Xog hoose ku heshay in Axmed Maxamed Madoobe  uu Odayaasha dhaqanka Beesha Harti fariin u diray maanta wuxuuna ku wargaliyey in 1 Xildhibaan uu Beesha Harti ugu darayo, isagoo taas badalkeeda ka dalbaday in ay joojiyaan shirarka iyo abaabulka ka dhanka ah Maamulkiisa.

Warar lagu kalsoon yahay oo Puntlandes heshay waxay sheegayaan in Beesha Hartik u gacan sayrtay codsiga Axmed Madoobe kana diiday halkii Xildhibaan.

Madaxwayne Axmed Madoobe ayaa waxaa soo foodsaartay wal wal uu ka qabo Xaalada sii xumaanaysay ee Beelaha diidan tirooyinka Xildhibaanada ay siisay Beeshiisa iyo Gen Gebre, wuxuuna Axmed Madoobe xiligan ku mashquulsan yahay sidii Beelaha ka biyodiidan wax qabintiisa loo dajin lahaa.
Kala soco Puntlandes wararkii u danbeeyey ee Magaalada Kismaayo.

Puntlandes.com

About The Author