Sawiro: Hogaamiyaha Kooxda Gobolka Mudug haysata Gaadayare oo maanta lagu arkay meel Fagaare ah

1933a

Sabti 4ta abriil 2015 ayaa markii ugu horaysay waxaa meel Fagaare ah lagu arkay Hogaamiyaha Kooxda ka talinaysay Gobolka Mudug mudada dheer Mr Maxamuud Cali Yusuf Gaadayare, isagoo ku magacaaban  Xisaabiyaha Guud ee Maaliyada Gobalka Mudug ahna Xisaabiyaha ”Idman” Laakiin reer Mudug ay u yaqaanaan ninka ISBAARADA u dhigtay horumarka iyo midnimda dadka walaalaha ah ee Gobolka Mudug.

Maanta ayuu Gaadayare waxa uu meel Fagaare ah isugu keenay Maamulka degmada Gaalkacyo iyo sadex Wasiir oo ka tirsan Golaha Xukuumadda Puntland taasoo ah markii ugu horaysay oo Gaadayare Saxaafada ka soo dhexmuuqdo waxayna ahayd munaasibad uu Gaadayare  boor isugu qarinayey Kacdoonka ay bilaabeen dhalinyarada Gobolka Mudug oo uu Mustaqbalkooda Isbaaro u dhigtay.

Wuxuuna ku magacaabay munaasad ku saabsan Waddo Laami ah oo la Dhagax-dhigay una dhaxaysa waa sida laga soo xigtaye Magaalada iyo Garoonka diyaaradaha Gaalkacyo, taasoo hada ka hor dhowr jeer wax ay ku cuneen Kooxda Gaadayare hogaamiyo uu ninka labaad uu ka yahay Dhagaweyne oo ahaa Mareeyaha Garoonka Gaalkacyo ilaa iyo maj 1991dii halka Gaadayarana uu Gobolka ka talinayey ilaa iyo 1999 kii.

dhagaweyne
Dhagaweyne mareeyaha Abdulahi Yusuf Airport tan 1991

 

Kooxda Gaadayare waxay meesha ku joogaan maaha xoog ee waa xeelad iyagoo dadkii ka dhigay miday wax siiyaan iyo miday mid kale ka horgeeyaan, taasoo abuurtay kala shaki dadka wada dhashay ee Gobolka Mudug.

Waxaa wax lagu qoslo ah inagoo ku jirna bartama 2015 in ay dad yar ay Kooxda Gaadayare gashatay haddii Kooxdan la taabto ”Jifo hebla” ayaa loo jeedaa. Waxaas waxba kama jiraan laba shakhsina afduub uma haysan karaan dad dhan. Dadka walaalaha ah ee ku nool Gobolka Mudug waxaa ka dhexeeya wadodhalasho, Ehelnimo, dan guud iyo mida gaarka ah ee Gobolka haddii aysan isgarabsan oo meel uwada jedina Horumarna ma gaarayaan waligoodna Gobolkoodu wuu dayacnaan.

1932a

1934a

1935a

Puntlandes.com

About The Author