Diyaarado ka socda UN ka oo Garowe ka qaadaya shaqaalihii ajaanibta ee ku dhintay iyo kuwii ku dhaacmay qaraxii maanta ee Garowe

Garowe(Pes) Labo diyaaradood oo ka socda Qaramada Midoobay ayaa goor dhow soo cagadhiganaya Caasimada Puntland ee Garowe, si ay u qaadaan shaqaalihii ajaabinta ee ku dhaawacmay iyo kuwii ku dhintay qaraxii saakay lagu bartilmaameesaday gaari ay saarnaayeen shaqaalaha UN-ka.

Weerarkii saaka waxaa ku dhintay madaxii Unicef ee qeybta boolyada ama dabeysha. Shaqaalaha ajaanibta ah ee la qaadayo waxay u kala dhasheen, Uganda, Kenya, Seria leone iyo wadamo kale.

Dhimashada

Ugandes (1)  Kenyati (2) Afganistani (1) Soomaali Ciidanka PRS (1) Soomaali Ciidanka SPU (1) iyo Qof la garan waayey loona maleynayo ninkii is qarxiyey oo kala googo,ay illaa hadana la garan la’yahay cidda uu yahay baaritaan ayaa ku socda

Dhaawaca

Ghana(1) Kenyati (2) Seralione( 1) Ciidanka Amniga (3) iyo nin shacab ah.

Puntlandes.com

About The Author