Maxkamaddii Darajada 1aad ee Gobolka Nugaal oo la xiray, Maxay tahay sababtu? Puntland Post oo baaritaan sameeyey

Maxkamadda Gobolka Nugaal ayaa waxaa ka dhacday arin fool xun oo aan looga baran dhaqanka Puntland, arintan oo ahayd in ay go’aan ka gaarto dacwad muddo dheer soo socotay oo ku saabsan hanti la kala dhacay sanadkii 2009 balse askar hubaysani kala baxday eedaysanihii maxkamada markii la xukumay.

Maxkamadda oo uu qaadi ka ahaa Shiikh Cabdi Nuur Aw-Jaamac Aw-Xuseen ayaa la horkeenay eedaysane Maxamed Cabdi Cabdullaahi oo ku eedaysnaa in uu dhacay Dooni uu lahaa Haybe Cabdullaahi Fuundi sanadkii 2009 si uu ugu isticmaalo inuu ku soo qabsado maraakiib iyo hanti umadeed si sharci daro ah.

 Eedaysanaha ayaa la sheegayaa in uu ka mid ahaa Burcadbadeedii xiligaas u soo jiidey magac xumada Puntland, Waxaana uu sanadkii 2009 bilowgiisi Dooni kalluun ka buuxo ka dhacay Haybe Cabdullaahi Fuundi.

Haybe: dhibane dhib isu keenay
Haybe ayaan muddadaas dheer helin in ay caddaaladda ku kala baxaan isaga iyo ninka uu ku eedeeyey in uu dhacay hantidiisi maadaama ay suurta gal noqon weydey in la helo eedeysanaha, Haybe oo ah ninka sheegtey in doontiisi la dhacay ayaa marar badan dhacey gawaari ay iska leeyihiin qaraabadda ninka uu ku eedeeyey dhaca Doonidiisa, waxaase beeshiisu ku guulaysatey in ay dib uga soo ceshaan hantida uu u qabsaday doontiisi, Gaarigii ugu dambeeyey ee uu Haybe iyo culufadiisu dhacaan ayaa ciidanka boolisku ka daba tageen lagana soo furtay balse loo balan qaaday in uu heli doono cadaalad iyo iney si sharci ah ku kala bixi doonaan isaga iyo Maxamed Cabdi, gaarigiina lagu xereeyey saldhiga dhexe ee Garoowe, si loo hubiyo ineysan arintani soo noqnoqon.

Beesha uu ka dhashay Maxamed Cabdi ayaa go’aan ku gaartey iney soo xiraan keenayna saldhiga Garoowe si loo kala saaro labadan dhalinyarada ah.

Xildhibaan Soo galay Arinta.
Xildhibaan Shaacuur ayaa isagu soo dhexgalay arintan isaga oo damiintay Maxamed Cabdi, si uu u noqdo nin xor ah inta uu maxkamada ka sugayo, maalmo kadib ayaa maxkamadu ka shakiday in uu ka fikado eedaysane Maxamed Cabdi sidaas daraadeedna looga dhexqabtay magaalada laguna xiray xabsiga weyn ee Garoowe, taas oo aysan ku farxin dadbadan oo ehel la ahaa .

Maxkamadda iyo Filanwaagii
Maxkamadda Nugaal ayaa eedeysane Maxamed Cabdi Cabdullahi ku heshey denbiga uu galey kadib markii markhaantiyaal ku caddeeyeen in uu dhacay dooni iyo hantidii saarneyd sanadkii 2009, Maxkamadda ayaa ku xukuntey saddex sano oo xarig ah iyo in uu soo cesho hantidii uu dhacay. Waxaa sidoo kale isna meesha saddex sano lagu xukumay Haybe Cabdullaahi Fuundi oo isagu ahaa ninkii laga dhacay doonta kaluunku ka buuxo, balse sameeyey falal fool xun iyo inuu afduubto baabuur ay lahaayeen ehelada Maxamed Cabdi.  Markii maxkamadu dhamaatay ayaa waxaa isla markiiba soo gaarey Maxkamadda laba gaari oo la sheegay in ay ahaayeen ciidanka Madaxtooyada Puntland, waxaana ay gudaha u soo galeen Maxkmadda dacwaddu ka socotey, waxaana ay gaari ku riteen Maxamed Cabdi Cabdullahi oo maxkamaddu ku xukuntey saddex sano oo xabsi ah, horeyna reerkiisu u soo qabteen si xal looga gaaro dacwaddan muddada dheer socotey.

Waraysi Masuuliyiintii Maxkamada
Waa wax laga naxo in ay nasoo weeraraan ciidankii dawladda lana baxaan denbiile maxkamadi xukuntay, waxaana nasiib daro ah inuu taliyihii ciidanku horboodayey oo soo galay isaga oo baastoolad haysta maxkamadda, waxaana wada hadal noo socdaa hadda Qaybta Fulinta (Golaha Xukumadda) sidii lagu soo xirxiri lahaa eedaysanayaasha sameeyey arintan foosha xun oo ahaa laba baabuur oo ay saarnaayeen ilaa 20 Askeri iyo eedaysanihii ay maxkamada kala dhexbaxeen. iyaga ayaana hada ka warsugaynaa oo arintu dhinacooda ayey taalaa maxkamaduna waa xirantahay ilaa amar dambe arimo amnigeeda la xiriira darteed.

Taliyaha Ciidanka 78 ee Bixin oo goobjoog ahaa.
Taliyaha iyo sadex kale oo askartiisa ka mid ahaa ayaa maxkamadu intey dhacaysey ku sugnaa hoolka maxkamada, ahaana dhegeystayaasha maxkamada. Taliye Maxamed Jama (Ina Been dhutiye) ayaan Wargeyska Puntland Post taleefon ku waraystay sida wax u dheceen wuxuuna noo sheegay sidan.

“Waxaa ila joogtey sadex nin maxkamada oo dhegaysanayey, moobilo ayaana la haystaa, markii maxkamadu dhamaatay ayaan soo baxay waxaan ka qaatay baastooladaydii wiilka waardiyaha ah, kadib markaan u soo dhaqaaqay baabuurkayga oo ahaa mark 2 ayaan arkay 2 laba baabuur oo hubaysan oo ciidan ka buuxo, oo soo istaagey maxkamada horteeda, waxaan galay baabuurkaygii si aan loo oran waa la joogey ama aan la iigu sawirin.

Taasi waa taa waxaana ka baqayey iney xabadi dhacdo, illaah mahadiis wax dhacay oo dhib ah ma jirin, waxaa wax laga xumaado ah in la xukumay askerigan isaga oo aan wax qodob ah loo tiigsan, lagu cadayn hantidan laysku haysto.

Madama ay askartaadii ahaayeen amar ma siisay?, maya maya waxba kuma darsan ayuu yiri.

Waxuu kaloo noo xaqiijiyey taliyuhu iney ahaayeen sagaal askeri iyo dembiile, waxayna hada ku sugan yihiin xerada ciidanka.

Gunaanad
Waa markii u horeysey taariikhda Puntland ciidamo gudaha u galaan kiis maxkamad dhegeysaneyso ama xukuntey isla markaana si xoog ah ku kaxaystaan qofka la xukumey, taas oo ay fuliyeen ciidamo Dowladda u diiwaan gashan oo qaba direyskii ciidanka, Arintan ayaa shacabku hadal hayaan sida xalkeedu noqon doono iyo Cawaaqib xumada ay ku reebi doonto dawladda Puntland hadii aysan si degdeg ah wax uga qaban.

Xigasho Wargeyska Puntland Post

Daabacaadii Puntlandes.com

About The Author