Dawlada Puntland ”Waxaan cadaynaynaa in wixii Garowe maanta dhacay ay caalamka ka dhacaan …..”

Garowe (Pes)  Waxaa maanta Saxaafada kula hadlay Magaalada Garowe si ay shacabka iyo Caalamka uga warbixiyaan Qaraxii, Maanta loo gaystey mid ka mid ah gaadiid qaada shaqaalaha  Qaramada Midoobay ee ku sugan Caasimada Dawladda Puntland ee Garoowe, Wasiiro ka tirsan Xukuumada Puntland ee madaxweynaha ka yahay Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo afka kanool noqotay iyagoo wariiradaasi ay ka mid ahaayeen Wasiirka Amniga iyo Wasiirka Warfaafinta o oka mid ah gudiga loo saaray baaritaanka weerarkii maanta laga qaaday UN ka.

Wasiir Indhoguran oo isagu Saxaafada la hadlayey ayaa yiri meeshii wax kale looga fadhiyey ”Waxaan u Cadaynayaa reer Puntland iyo Caalamkaba in Amniga Caasimadu sugan yahay, wixii maanta ka dhacayna caadi tahay oo Caalamka ay ka dhacaan”

Horey ayey shacabka reer Puntland waxay isku waydiinayeen Gudiga ay saartay Xukuumada Gaas wuxuu soo kordhinayo iyagoo horey abriil 2014 markii lagu dilay Garoonka diyaaradaha Magaalada Gaalkacyo labo Sarkaal uu UN ta u shaqaynayey kuwaas oo ilaa iyo iminka aysan jirin wax ka soo baxay Gudigii uu Gaas u baaritaanka u saaray.

Puntlandes.com

About The Author