Madaxweynaha Puntland oo Shirkad Kuluunka Iibisa ka furtay Iver-Cost

Warar lagu Kalsoon yahay ayaa sheegaya Furashada Shirkad-weyn oo Kaluumeysi uu lee yahay Madaxweynaha Puntland Abdiwali Gaas Iyo Marwadiisa Hodan Ciise. Shirkadan Kaluumeysi lagana furay Caasimada Dalkaas Abidjan ayaa loogu Magac-daray ( Abdi-Hodan Fish Trading LTD )  Shirkadan oo lagu Maalgaliyay Adduun dhan Laba Milyan oo Dollar ayaa Dalka Iver-Cost keeni doonta Kaluunka Qalalan Dry Fish Iyo Kaluumada kale.

Shirkadan oo noqon doonta kuwa ugu waa weyn Dhanka Kaluunka ey Soomaali ka furato Qaarada Africa ayaa hada Howal-Bilowdey. Masuulka u Qaabilsan Howshan Madaxweynaha Puntland oo Jifo Hoose yihiin ayaan Magaciisa u qariney Sababo Dhanka Amaankiisa ah. Shirkadan oo Iyadu Qandaraasyo la gali doonta Huteelada waa weyn ee Caasimada Abidjan Iyo Supermarketyada ayaan la aqoon Sida ay uga shaqeyn doonto Dalka Iver-Cost.

Canshuurta Shacabka Puntland ayaa u muuqata mid Jeebadaha Madaxweyne Gaas u gashay Iyadoo lala socdo Xaalada Mushahar-xumo ee ka taagan Puntland. Shirkada Abdi-Hodan Fish Trading LTD, ayaa sidoo kale Badda Puntland Ka Jilaaban doonta Kaluunka Iyadoo Hishiisyo la gashay Maraakiibta uu lee yahay Ninka Korean Laguna Magacaabo Kim Il Sung, kuwaasoo Badda Puntland Ka Jiriifa Khyeraadka Badda isla markaana Wakiilkoodu yahay Wasiirka Maaliyada Puntland Shire Xaaji Faarax.

Puntlandes.com

About The Author