XOG: Beelaha Puntland ee Waqooyiga Gobolka Mudug oo lagu darsaday Xildhibaanada Maamulka Cadaado ka soo bixidoon, halka uu Gaas ka aamusan yahay

Tiradda Xildhibaanadda Baarlamaanka maamulka la doonayo in Cadaado lagu dhiso ayaa la qorsheeyay in ay noqoto 65 Xildhibaan, Warbaahinta Puntlandes ayaa ogaatay sida loogu qaybiyey Beelaha Degaanada maamulkaas dega, waxayna Pes heshay in lagu darsaday Beelaha dega Waqooyiga Gobolka Mudug ee Puntland. Halka hoose ka akhriso sida kuraasta loo qaybiyeuy:

Habargidir iyo Duduble waxaa la siiyay 25 Xildhibaan.

Mareexaan  7 xildhibaan.

Dir (Puntland)waxaa la siiyay 5 Xildhibaan.

Leelkase (Puntland) waxaa la siiyay 5 Xildhibaan .

Madhibaan (Puntland) waxaa la siiyay 3 Xildhibaan

Waceeysle waxaa la siiyay 5 Xildhibaan .

Murusade waxaa la siiyay 5 Xildhibaan

Majeerteen (Puntland) waxaa la siiyay 5 Xildhibaan

Carab Saalax (Puntland)waxaa la siiyay 2 Xildhibaan .

Sheekhaal waxaa la siiyay 3 Xildhibaan

Waxaa wax lala yaaban yahay noqotay in aysan ilaa iyo iminka ka hadlin Xukuumada uu madaxweynaha ka yahay Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, isagoo sidii looga bartay DALXIIS isaga jooga dalka Itoobiya.

Wixii warar ah oo ku soo kordha kala soco Puntlandes.com

Puntlandes.com

About The Author