Doorashadii hogaanka baarlamaanka Jubaland oo dib udhacday

Maalinta bari ah oo Sabti 25 ka abriil 2015  ayaa waxaa lagu waday inay dhacdo doorashada Gudoonka Baarlamaanka Jubaland iyo xafladii Caleema saarka  Xildhibaanada Baarlamaanka Jubaland laakiin waxay ogaatay Warbaahinta Puntlandes in munaasabadan dib loo dhigay.

Wararka rasmiga ah ee laga helayo maamul goboleedka Jubaland ayaa ah in arimo farsamo dartood munaasabadan maalmo kooban dib loogu dhigay.

Gudiga doorashadu si rasmi ah uma aysan shaacinin wakhtiga rasmiga ah ee doorashadu dhacayso balse waxaa la filayaa in dhawaan la shaaciyo taariikhda ay dhici doonto doorashada Gudoonka Baarlamaanka Jubaland iyo xafladii Caleema saarka.
Puntlandes.com

About The Author