KHATAR: Dawlada Gaas oo canshuurtii Kordhisay iyo Ardayda Puntland oo Canshuur farabadan lagu soo rogay!

1956

Garowe (Pes) Guddiga waddada isku xirta Ceel-Daahir iyo Ceerigaabo oo isugu jira wasiirro, culimaaúddiin iyo ganacsato ayaa maanta markii ugu horeysay shaaciyay qorshaha dhismaha wadadaas, iyagoo shir jaraa’íd ku qabtay xarunta wasaaradda Howlaha Guud iyo Gaadiidka ee dawladda Puntland.

Guddoomiyaha Guddiga Sh. Maxamuud X. Yuusuf ayaa soo bandhigay qorshaha lagu dhisayo wadadaas wuxuuna sheegay in ay dhismaha u kala qaadeen dhowr waji si shaqadu u fududaato isla markaana u qabsoonto.

Intaa kadib wuxuu Sheekhu gudagalay qiimaynta wajiga koowaad ee wadada iyi sida loo kala qoondeeyay wuxuuna u kala qaaday sidan soo scota:

Dhererka waddada 220 km oo wajiga kowaad la bilaabayo.

Qiimeynta wajiga kowaad waa $2000,000

Shacabka Puntland waxay ku deeqayaan 70% una dhiganta $1400,000

Dawladda Puntland waxay ku deeqeysaa 30% una dhiganta $600,000

Dawlada Gaas oo Canshuur kordhin ku hoos qarisay wadada

Waxaa marka koowaad iswaydiin mudan, oo aan loo sharxin Shacabka Puntland, waxay 2 miljan oo doolar ka qaban karto wado dhererkeedu yahay 220km, laakiin hadana waxay mudan tahay soo dhawayn iyo ka qaybqaadasho madaama ay wax ka wadaan Culimo caan ah oo lagu kalsoon yahay.

Waa wax la fahmi karo sida loo qaybiyey 2 miljan ee ku baxaysa wajiga hore ee wadada laakiin maxay tahay sababta loogu hoos qariyey Canshuurta oo si aan caadi ahayn loo kordhiyey. Xaggeese ku baxaysaa lacagta ka imaanaysa Canshuurta la kordhiyey ileen waa qaybsaday 2 dii maljane.

Waxaa wax lala yaabo noqotay in Canshuur lagu soo rogo Ardadii masaakiinta ahayd oo waalikood la daalaadhacayeen bixin qarashyada Iskuulaadka, Caruurtaas oo aad u faro badan aysana awoodin Shacabka Puntland.

Mid aynu ogaano Shilin kasta oo canshuurta la kordhiyo waxaa bixiye ah waa shacabka Puntland maxaa yeelay Canshuurtu waxay sare u qaadaysaa Qiimihii shayga la saaray lagu kala iibsado, waxaana gate ah waa shacabka. Canshuuraha sida xad dhaaf ah ay dawlada Gaas ugu kordhisay shacabka reer Puntland oo awalba la daaladhacayey Kordhintii hore ee ay samaysay dawlada Gaas, waana kuwan meelaha ay tahay in aan la kordhin ama laga qaadin ee ay Xukuumada Gaas kordhisay:

Canshuurtii laga qaadi jiray Xoolaha nool oo la kordhiyey

Waxaa lagu la kordhiyey Canshuurtii laga qaadi jiray Xoolaha nool ee laga dhoofiyo Dekeda Bosaso, waan sidan soo socoto Cantuurta la kordhiyey:

  • Ari neefkii la dhoofinayo  waxaa la kordhiyey Canshuurta $0.25
  • Lo’ iyo Geel neefkii la dhoofinayo  waxaa la kordhiyey Canshuurta $1.00

Aduunka waxaa xeer ah shayga aad dhoofiso Canshuurta waa laga qafiifiyaa si Shacabkaagu wax badan u dhoofiyo ama uu ula tartamo Ganacsatada kale ee aduunka. Halkan waxaa ka cad in Ganacsatada Xoolaha dhoofisaa ay ula wareegaan dekeda Berbera maxaa yeelay way ka jaban tahay.

Canshuurta alaabooyinka kale ee Bagaashku ka mid yahay

  • Badeecadaha kale dhoofin & soo dejin waxaa laga 3% canshuurta,

Telefoonnada

  • Post-paid (Telefoonnada biilka lagu dallaco bishii)  $1.00
  • Pre-paid (Telefoonnada lacagta lagu shubto) $0.25

Lacagaha laga jarayo telefoonnada gacanta ayey iyaguna shirkadaha is gaarsiintu bilaabayaan 31/5/2015

Waxaa xusid mudan in ay dhawaan ay ahayd markii Dawalada Gaas dulsaartay Canshuur Telefonada.

Ardayda wax ka barata Puntland oo Canshuur lagu soo rogay

  • Ardayda dhigata jaamacadaha Ardaygii waxaa lagu Canshuurayaa halkii simister $5.00
  • Ardayda dugsiyada sare Ardaygii waxaa lagu Canshuurayaa bishii $1.00
  • Ardayda dugsiyada dhexe/hoose Ardaygii waxaa lagu Canshuurayaa bishii  $0.5

Canshuurta  Ardayda wax ka barata Puntland lagu soo rogay ayaa bilaabanaysa sanaddugsiyeedka foodda inaku soo haya ee 2015/2016 haddii Alle idmo.

War meelkasta dawlada Gaas ma hunguri ayey ka raadinaysaa? Ma iswaydiiyeen ma bixin karaan waalidiintu Canshuurtan faraha badan ee ay ku soo rogeen. Mise waxaa ay Xukuumada Gaas qorshaysatay in waalidkii afar caruur ah leh aysan labo dhigan Iskuul ileen ma bixin karaane. Ma waxay rabaan in aynu Soomaaliya inteeda kale Mustaqbalka dhow aanu ka harno maxaa yeelay ninkii aqoon leh ayaa wax soo saaran kara? Haddii aynu ka soo qaadno waalid Dakhliga soo galaa uu aad u yar yahay oo ay 9 Caruur ah Iskuulada u dhigato. Haddii 5 Dugsi sare u dhigato 4 Dugsi hoose Canshuurta laga qaadayaa bishii waxay noqonaysaa 7 doolar bishii ma awoodaan?

Dawladda iyo shaqaalaha hay’adeheeda

  • Shaqaalaha hay’adaha dawladda waxaa xisaab boqollay ah loogu qaybinayaa ayna si guud u bixinayaan wadar lacageed oo dhan bishiiba $100,000
  • Dakhliga guud ee dawladda waxaa bishii laga qoondeeyay adduun dhan 200,000

Wasaaradda maaliyadda ayaa bilaabaysa jaridda qoondooyinka laga bilaabo 1/5/2015.

Ugu danbaytii wasiirka maaliyadda Xukuumada Gaas Shire Xaaaji Faarax ayaa sheegay in mashruucani uu yahay mid xalaal ah oo lasoo mariyay golaha baarlamaanka iyo kan wasiirrada, madaxweynuhuna saxiixa ku duugay.

Waxaa uusan wasiirku cadayn Cadadka lacagta uga imaanaysa Canshuurtan sida xad dhaafka ah ay u kordhiyeen, ma isagaa doonaya in uu sheego. Mise wuxuu noogu sheekaynayaa Canshuurtan inta la kordhiyey waa 2 dii maljan oo doolar ee ay sheegeen in ku baxayso wadada! Waxaa kale oo uusan Wasiirku shacabka reer Puntland u cadayn inta ay soconayso Canshuurtay sida cad dhaafka ah loo kordhiyey?

Tusaale waxay sheegeen in Shaqaalaha dawlada laga jarayo bishii $100,000 halka ay dawladuna bixinayso bishii $200,000, isugayn waa $300,000  bishii, haba maxaa looga baahan yahay in Ardayda reer Puntland Canshuur xad dhaaf ah lagu soo rago? Maxaa looga baahan yahay in Badeecooyinka lagu qaaliyeeyo shaacabka reer Puntland oo awalba dhibaatooyinka dhaqaale la daalaadhacayey? Maxaa looga baahan yahay in Canshuurta lagu qaaliyeey Xooleheenii aynu ka dhoofin jirnay Dekeda Bosaso ka dibna lagu qasbo Ganacsatadeena in ay dhoofinta Xoolaha ula wareegaan Dekeda Berbera?

Dawlada Gaas waxay qorshaysatay in ay Furato reer Puntland ee micnuhu maaha in wado la dhisayso, waa dariiqa markay meelkaste ka eegeen ay u soo baxday in shacabka ku qaldi karaan, iyagoo isku qarinaya Wadaan dhisaynaa, qofkii yiraahda macquul maahana loo tuso in uu diidan yahay dhisida wadada!

Puntlandes.com

About The Author