Dhagayso: Gaas oo la waydiiyey su’aalo ay ka mid tahay daabacaada lacagta Faalsada ah ee uu Bosaso ka bilaabay

Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta ka soo noqday dalka Itoobiya oo uu ku maqnaa mudo ka badan 10 cisho isagoo ku soo noqday Caasimada Puntland ee Garowe.  Gaas ayaa la waydiiyey sadex su’aalood oo u kululaa uusana u baran in la waydiiyo. Su’aalahaas oo kala ahaa sidatan:

  1. Qaraxii ka dhacay Garowe ee lagu laayey shaqaalaha UN ka
  2. Dhacdadii foosha xumayd ee ciidamada Madaxtooyada ay Maxkadda darajada koowaad ee Gobolka Nugaal xooga ula baxeen Dambiile la xukumay.
  3. Daabacaada lacagta Faalsada ee laga bilaabay magaalada Bosaso

Labada su’aalood oo hore wuxuu isku dayey madaxweyne Gaas in ka jawaabo laakiin wuxuu khal-khalay markii la waydiiyey su’aasha ku saabsan Lacagta Faalsada ah, isagoo ku jawaabay “adaan afkaaga ka maqlayaa arintaas iyada ah”oo kaliya.

Hadaba madaxweynihii dalka oo la waydiiyey Su’aal sidaas u culus sidee ayuu uga jawaabi karaa “adaan afkaaga ka maqlayaa arintaas iyada ah”oo kaliya oo aan wax kale wehelin? CAJIIIB!!!

Warbaahinta Puntlandes ayaa dhawaanahaan waxay baahinaysay macluumaad ku saabsan Daabacaada lacagta Faalsada ah oo Makiinadii daabacaysay lagu rakibay magaalada Xarunta Ganacsiga ah ee Bosaso, ayna bilawday in ay soo saarto lacag Faalso ah oo aafaynaysa Dhaqaalaha shacabka reer Puntland ee awalba liitay. Sida ay warbaahinta Puntlandes qortay waxaa lacagta shirko ku ah Ganacsato ma naxayaal ah, gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka iyo madaxweyne Gaas.

Waxaan shaki ku sida uu uga jawaabay madaxweyne Gaas in ay dadkii awal waa been ku hayey ay ku baraarugi doonaan inaysan Been ahayn ee ay tahay xaqiiq uuna Dr Gaas ku hawlan yahay daabacaada lacag Faalso ah halakaysa Dhaqaalihii awalba liitay ee reer Puntland..

Dhagayso madaxweyne Gaas oo lacagta Faalsada la waydiiyey

 

Puntlandes.com

About The Author