Daawo Video: Wasiirka Duulista Hawada Puntland oo ka war wareegay sababta uu Wasiirka Maaliyada PL ugu jiro dhismayaasha garoomada iyo ….

Garowe (Pes) Wasiirka Duulista Hawada iyo Garoomadda dowladda Puntland Xasan Xaaji Siciid oo waraysi gaar ah siiyay Kalsan TV ayaa ka waramay Dhismayaasha Garoomada ee wasaradiisi gacanta ku hayso, iyo halka ay marayaan kan Bosaso iyo kan Garowe oo shaqadiisu wali socoto.

Wasiir Xasan waxaa waraysigan la yeeshay Agaasimaha Kalsan TV ee Garowe Axmed Cawil Jaamac, isagoo wax ka badan ka waydiiyay howlaha garoomadda Puntland.

Wasiir uusan uga jawaabin sidii la rabay su’aalaha uu Wariyuhu waydiiye isagoo badanaa ka warwageeayey mar kastana afka ku hayey Websiteyaa intay mararka qaarkood wax helaan wax ku dardara, Wasiirku ma uusan sheegin Websiteyadaas isagoo mar carabka ku dhuftay laba Website.

Mar wax laga waydiiyey Wasiirka sida wax u socdaan garoonka Bosaso wuxuu Wasiirku ku soo koobay in been la faafiyey oo wajiga hore Garoonka loo dhisayo Runway 3400 mitir ah wajiga dambana loo dhisidoona Terminal cusub oo Caalami ah. Wasiirku waxa uu hilmaamay in ay duuban tahay isagoo dhahaya wajiga koowaad waxaa lagu dhisayaa Runway dhererkiisu dhan yahay 2400 mitir, marka uu hada isbeeninayo.

Waxaa kaloo wasiirka la waydiiyey sababta uu ugu jiro hawlaha dhismaha Garoomada Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Puntland  Shire Xaaji Faarax, wuxuuna ku jawaabay Wasiirku jawaab aan sax ahayn oo aad u jeedo in wuxuu ku jawaabo waayey isagoo yiri ”Wuxuu ugu jiraa arimaha lacag bixinta madaama uu yahay Wasiirkii Maaliyada”

Dhismaha Garoonka Garowe mar la waydiiyey wuxuu ku jawaabay in uu dhererkiisu noqon karo 2400 mitir Terminalna looma dhisayo…. Wuxuuna sheegay in ay isku soo hareen iminka 4 shirkadood oo ay ku jirto Shirkada dhisaysa Garoonka Bosaso ee CCECC.

Daawo Videowga oo aad ka helayso arimo aad u xiiso badan

Puntlandes.com

About The Author