Maamulka Koonfur Galbeed oo ciidamo farabadan soo dhoobay degaanka Jaziira

Maamulka Koonfur Galbeed oo ciidamo farabadan soo dhoobay degaanka Jaziira ee Degmada Afgooye ee Xadka la leh Degmada Madiina ee Gobolka Banaadir. Sababta ayaa ah ka dib markii dhawaan Ciidamada Nabadsugida ay weerareen bar kala qaybisa labada Degmo ee Afgooye iyo Madiina. Waxaa laga cabsi qabaa in uu iska hor imaad ka dhex bilowdo Maamulka Gobolka Banaadir oo aaminsan in Xuduudiisu tahay Marka iyo Maamulka Koonfur Galbeed oo Xuduudiisu tahay Xuduudii Gobolka Shabeelaha Hoose taaso ah Jaziira iyo Madiina meel u dhaxaysa.

Dadka degaanka Jaziira ayaa waxaa soo foodsaartay cabsi aad badan iyagoo ka baqaya in lagu dul dagaalamo.

daraawiishta KG1daraawiishta KG4daraawiishta KG3daraawiishta KG2daraawiishta KG5

Puntlandes.com

 

About The Author