Daawo Video: Masuuliyiinta, Odayaasha, Isimada Iyo waxgaradka Gobolka Karkaar oo DFS uga digay Gobolka Mudug ee Puntland

Masuuliyiinta, Odayaasha, Isimada Iyo waxgaradka Gobolka Karkaar ayaa kulan balaaran oo ay isugu yimaadeen magaalada Qardho ee xarunta Gobolka Karkaar uga digay DFS arinta Gobolka Mudug ee Puntland ee ay ku sheegay in ay raacinayso Gobolka Galgaduud.

Masuuliyiinta, Odayaasha, Isimada Iyo waxgaradka ayaa sheegay in ay u dirayaan DFS fariin kama dambays iyagoo ugu baaqay inay faraha kala baxdo Gobolka Mudug ee Puntland. Masuuliyiintii shirkaas ka hadlay waxaa ka mid ahaa Gudoomiyaha Degmada Qardho Maxamed Siciid Hoggaamo isagoo yiri mar uu ka hadlayey arinta Gobolka Mudug ” Mudug waxay ka mid tahay dawlad Gobeleedka Puntland oo hooyo u ah dhismihii DFS…. Dadku waa dad walaalo ah laakiin Dastuurka Federaalka in la qiimeeyo weeye, wuxuuna leeyahay laba gobol iyo ka badan ayaa dhisan kara dawlad goboleed, anagoo soo dhawaynayna DFS oo madaxweynaheedu maanta imanayo Puntland.. hadana waxaan rabnaa arinta Gobolka Mudug in ay cadaato maalinka maanta ah oo ay dawladu cadayso”

Nin ka mid ah waxgaradkii ka hadlay  Shirkaas ayaa wuxuu sheegay in Dastuurka Puntland uu si cad u sheegayo Xuduudaha Puntland oo ay ku jirto Gobolka Mudud, cid ku cadgudbi karaana ma jirto lamana kala qaybin karo sida ku cad dastuurka Puntland oo leh tixgelinta marka la barbardhigo kan kumeel gaarka ah DFS. Oday ka mid ah odoyaashii shirka ka hadlay ayaa sheegay in aysan aduunka la arag dawlad dawlad laga dhexsamaynayo. Dhamaan waxgaradkii halkaas ka hadlay waxay uga digeen xasan Sheekh in uu ka waantoobo faragelinta Puntland.

Waxaa si dabajoog ah usoo gaaraya Warbaahinta Puntalndes mahadnaq ay shacabka reer Puntland u soo jeedinayaan reer Qardhood iyo inay u istaageen Difaacida Puntland, halka uu iska aamusan yahay Madaxweynihi u dhaartay Puntland isagoo maanta fiyoore u ruxayo soo dhawaynta Xasan Sheekh.

 

 

Daawo Videowga

Puntlandes.com

About The Author