Dhagayso: Gaalkacyo oo laga istaagay looga digay madaxweyne xasan arinta maamul samaynta Cadaado

Waxaa maanta ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug Shir balaaran oo looga soo horjeedo Sheegashada ay madaxweyne Xasan uyo Kooxdiisu sheeganayaan in ay maamul u samaynayaan Gobolada Mudug iyo Galgaduud iyadoo la ogsoon yahay in inta badan Gobolka Mudug uu ka tirsan yahay dawlada Puntland oo soo jirtay 17 sano.

Shirkaas balaran ayaa waxaa ka soo qayb galay Nabadoono, Siyaasiyiin, Cuqaal iyo waxgarad ka soo jeeda Gobolka Mudug ee Puntland. Shirka ayaa waxa ujeedadiisu ahayd in ay Muujiyaan dareenkooda ku saabsan sheegashada madaxweyne Xasan uu sheeganayo in uu maamul u dhisayo Gobolada Mudug iyo Galgaduud.

”Mudug waa la ogsoonyahay wuxuu kala qaybsamay 1991 waxaana kala qaybiyey USC, Xasan Sheekh na wakiil noogama aha Cadaadana uma aanan dirsan” Sidaaas waxaa yiri mid ka míd ah waxgaradkii maanta ka hadlay Shirkii ka dhacay magaalada Gaalkaco ee looga soo horjeeday Qorshaha xasan Sheekh uu doonayo in uu ku BOOBO gobolka Mudug.

Siyaasiyiintii halkaa ka hadlay waxaa ka mid ahaa Maxamed cabdi Yusuf Gaagaab oo sheegay in aysan dastuurka waafaqsananayd waxa Cadaado ka socda ayna tahay wax dan gaar ah ay ka leeyihiin madaxda DFS.

Nabdoon Yaasiin Cabdisamad ayaa yiri ” Shacabka reer Puntland meel kasta oo ay joogaan Todobaadkan waa in mawqifkooda cadeeyaan, beesha caalamka iyo soomaalida inteeda kalena waa in loo sheegaa in Mudug aysan Madi ahayn..”

Nabadoonada, Siyaasiyiinta, Cuqaasha iyo waxgaradkii shirka ka hadlay dhamaantood waxay u digeen Madaxweyne xasan Sheekh oo ay uga digeen in uu faraha kala baxo Mudug uusan waqtigan ka abuurin Soomaaliya Colaad dad badani ku hoobtaan.

Waxaa xusid mudan shirkan mid kasii balaaran oo loogu digayey xasan Sheekh in uu maanta isna ka dhacay Magaalada Qardho ee xarunta Gobolka Karkaar, Halkan ka akhriso/daawo

 

Waxaa kale oo iswaydiin mudan aaway madaxweynuhii u dhaartay ilaalinta Puntland? Dhinacna Somaliland ayaa qaadatay Puntland dhinacna xasan Sheekh iyo Kooxdiisa Gaas na waxaasba uma muuqdaan.

Dhagayso hadladii maanta


Puntlandes.com

About The Author