War Deg Deg ah Weerar Caawa Lagu Qaaday Irida Hore ee Dekeda Bosaso

Ururka Alshaban ayaa caawa Bumbooyin ku weeraray Isbaarada taala irida laga galo Dekeda Magaalada Bosaso. Weerarkaan oo loo Adeegsaday Bumbooyinka Gacanta laga tuuro ayaa waxaa ku dhinta Nin Shacab ah Halka ilaa 5 Qof oo Shacab u badanaay ku Dhaawacmeen.

Faah Faahin laga mahayo Weerarkaan oo Daqiiqado ka hor dhacay Awgeed. Magalada Bosaso oo ah Halbowlaha Puntland ayaa waayadii dame Hooy u Noqotay Qaraxyo iyo Weeraro inta badan lagu Qaado Goobaha Dawladda.

Waxaana Dadka Arimaha Amaanka Ku xeel dheer Madaxweyne Gaas ku eedaynayaan Inuusan Laamaha Amaanka u magacaabin Dad Aqoon u leh Arintaas. Intii uu talada Putland la wareegay madaxweyne Gaas ayaa waxay Puntland la soo daristay Amnixumo, Dhaqaale Xumo, kala dambayn la’aan maamulka dhexdiisa iyo cadowga Puntland oo doonaya inay cadba meel u gooyaan.

Faahfaahin kala soco Puntlandes.com

Puntlandes.com

About The Author