Deg Deg: Burhaan Diyo Miyo Iyo Agaasime Deeq Saleebaan, Oo Madaxtooyada Garowe ka wada Olole lagu Taageerayo Maamulka Gobolada dhexe

Garowe (Pes) Waxaa Soo baxaya Warar Hordhac ah kuwaasoo cadeynaya Rag ku dhow Madaxweynaha Puntland iney u Ololeynayaan Maamul u sameynta Gobolada dhexe. Ragan oo kala ah Agaasimaha Madaxtooyada Garowe Deeq Saleebaan, Iyo Burhaan Diyo Miyo, Oo aan wax Xil ah ka Aheyn Dowlada Puntland balse kamid ah Raga dhagta Madaxweynaha heysta.

Xildhibaano ku sugan Garowe kana mid ah Guddiyada wada hadalka ayaa si Hoose Saxaafada ugu gudbiyay Xogtan. Labadan Masuul ayaa Ilaa Iyo Shalay Iyo Maanta waday iney kala Jabiyaan Guddiyada Puntland oo ey kala Hogaaminayaan Wasiirka Cadaalada Puntland Ismaaciil Iyo Wasiirka Howalaha Guud, Abdirishiid Xirsi. Guddiga Puntland ayaa u muuqda kuwa Awood badan aadna Isugu kalsoon kana Soo bixi doona Shirka, balse Abaabul Iyo Ololaha ey wadaan Kooxda Madaxweyne Gaas ey Halis ku keeni karaan iney kala jabiyaan.

Lama yaqaan Sababaha ku khasbaya Labadaan Masuul iney Taageeraan Maamulka Gobolada dhexe ee Sharci-darada ah balse Waxaa Soo baxaya Warar kale oo sheegaya iney qaateen lacag dhan Hal Milyan oo Dollar $ Iyagoo si toos ah uu la shaqeynaya Kooxda Damul-Jadiid. Labadaan Masuul ayaa horey loogu yaqaanay Xiligii uu ahaa Raisal-wasaaraha Abdiwali Ali Gaas, Laaluushka Iyo Hanti Boobka, balse Waxa ey noqon doonaan Tuke Cambaar leh hadey Maanta Dhabar Jabiyaan Guddiga Wadahadalada Puntland.

Puntlandes.com

About The Author