MADAXWEYNE GAAS OO COMPANY U MUSUQ MAASUQAY DHISMAHA MASHRUUCA WASAARADDA HAWEENKA IYO QOYSKA PUNTLAND

Mashruuca Dhismaha wasaaradda Haweenka iyo Arimaha Qoyska Puntland oo ay Maalgalinayso Hay’adda UN-HAHBITAT,  waxaana  u tartameen 23 Kambani  ayaa la musuqmaasuqay kadib markii si Cad uu Madaxweyne Gaas Wasiiradda Haweenka ugu sheegay in Mashruuca lasiiyo Kmabani lagaleeyahay Gobolka mudug laguna magacaabo Sundus Construction Company .

Mashruucaan oo ahaa Mashaariicdii kasoo wareegtay Xukuumaddii hore kaasoo Hay’adda UN-HABITAT saxiixday Bishii 6aad 2013, waxaana Xaflad lagu shacinayo Kambaniga ku guulaystay Qandaraaska Wasaaradaan 29-4-2015, lagu qabtay Hoolka Wasaaradda Hawlaha Guud ee Puntland kaaso ay kasoo qaybgaleen Wasiiro iyo goobjoogayaal kamid Kambaniyada u tartamayay sikastaba ha ahaatee wasiiradda Haweenka iyo Arimaha Qoyska ayaa ku dhawaaqday Company-ga ku guulaystay Dhishmaha Mashruucaan.

Qandaraaskaan oo loobixiyay si cadaalad daro ah maadaama uu Madaxweyne Gaas  Cadaadis ku saaray Wasiiradda inay siiso Qandaraaska Kabaniga SUNDUS CONSTRUCTION COMPANY oo uu masuul maamule kayahay C/bdirixman Jaamac Xaashi Maxamed.

Iskusoo wada duuboo mashruucaan ayaa ka midnoqonaya midkamida Cadaalad darada Madaxweyne Gaas ku maamulo Dadka iyo Dalka Puntland

HALKAANKA AKHRISO MAGACA SHIRKADAHA U TARTAMAY QANDARAASKA

1.

BAACA CONSTRUCTION

2

BAACA CONSTRUCTION

3

HODMAN CONSTRUCTION

4

KULMIYE CONSTRUCTION

5

SAACID CONSTRUCTION

6

JUBA CONSTRUCTION

7

AARAN  CONSTRUCTION

8

FADXI CONSTRUCTION

9

BLUE CONSTRUCTION

10

HORMUUD CONSTRUCTION

11

KALKAAL CONSTRUCTION

12

ALWAFAA CONSTRUCTION

13

PERFOMING CONSTRUCTION

14

SUNDUS CONSTRUCTION

15

KALSAN CONSTRUCTION

16

ALBARAKA CONSTRUCTION

17

NUGAAL CONSTRUCTION

18

QORANE CONSTRUCTION

19

DHAMAY CONSTRUCTION

20

JIKOM CONSTRUCTION

21

AWMAHAD CONSTRUCTION

22

GALOBAL ENGINEERING

23

GALOBAL  ENGINEERING

Puntlandes.com

About The Author