XOG: Yaa xiisaynaya Riwaayada madaxweyne Xasan iyo madaxweyne Gaas ee ku saabsan Gobolka Mudug?

2026a

Gaalkacyo (Pes) Qaar ka tirsan isimmada Putland ayaa maanta kulan muddo saacado ah qaatey waxay madaxtooyada Garowe kula yeesheen Madaxweynaha DFS Xasan Shiikh Maxamuud.

Warbaahinta Puntlandes ayaa ka war heshay in kulankaas ay ka qayb galeen Isimo gaaraya ilaa kow iyo toban ayna Madaxweynaha DFS kala hadleen mowqifkiisa ku aadan shirweynaha lagu dhisayo maamulka gobollada dhexe ee Somalia.

Wararka Puntlandes soo gaaray ayaa sheegaya in Madaxweynaha DFS Xasan Shiikh isimmada Puntland u sheegey in gobolka Mudug sida hada u qaybsan yahay ahaan doono iyadoo aan waxba loo dhimeyn jiritaanka Puntland, waa sida uu hadlka u dhigeye.

Xasan Shiikh ayaa dhanka kale wuxuu hoosta ka xariiqey in maamulka gobollada dhexe u dhismi doonaa noqon doono mid kumeel gaar ah islamrkaana ay ku midoobi doonaan koonfurta Mudug iyo gobolka Galgaduud halka sadexda beelood ee Hawiye, Dir iyo Mareexaan qayb ka noqon doonaan.

Dhanka kale Xasan Shiikh ayaa sheegey in uu dib u eegista ku sameyn doono dastuurka Somalia uu xal uga keeno qodobka ah in maamul goboleed noqon karaan labo gobol iyo ka badan isaga oo intaas raacshey in dhammaan maamullada dhismaya inta ka horeysa xilligaasi ahaanayaan kuwo kumeel gaar ah.

Horta mee madaxweynihii Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ma Culusoow buu Xoghayn u noqday? Mise waa jiifaa oo hurdaaba la tagtay? Maxaa keenay in Isimo kala xaajoodaan Madaxweynaha DFS qadiyada Gobolka Mudug? Sow dawlada Gaas madaxweynaha ka yahay ma ahayn mandate keedii mise?

Hadaba yaa xiisaynaya  Riwaayada ay dhigayaan Gaas iyo Culusoow? Yey maanta ka dahsoon tahay waxa uu Gaas kula heshiiyey Xerta Cabdiqaybdiid ee ah Mudug qaata aniga xoogaa lacag ah isiiya!!!!

Puntlandes.com

About The Author