Halkee ayuu wax ka saluugay baarlamanka Puntland? WQ Maxamud Axmed

Waxaa asbuucii la soo dhaafay qeyb ka mid ah barlamanku ay saxiixeen warqad ay ku dalbanayaan kalfadhi aan caadi ahayn in la soo hormariyo inta aan la gaarin midkii caadiga ahaa walow markii dambe ay isla waafaqeen in lala sugo midka caadiga ah , waxay warqadda ku caddeyeen arrimaha mooshinka laga keenay in ay ka mid yihiin, ammaanka, dhaqaalaha iyo sidaasadda oo ay saluugeen isla markaana ay doonayaan in ay ka tashadaan kartidarrada dowladda wixii ay ka yeeli lahaayeen

Waxaa xusid mudan in barlamanku ay la xisaabtameen dowladda sanadkii hore islamarkaana sida muuqatay ay ku qanceen waxqabadkeeda, aysanna jirin wax talo soo jeedin qoran oo ay dowladda u gudbiyeen oo saxaafaddu ogayd, hadaba waxaa la is weydiin karaa, la xisaabtankii barlamanka miyaan lahayn qorshe ay markii hore dowladda isla waafaqeen oo ay ku dhereriyaan, mise heerka aqooneed ee barlamanka ayaan gaarsiisnayn in ay la xisaabtan sameeyaan, waxaan qoraalkan kooban ugu talo galay in aan muujiyo meelaha aan isleeyahay barlamanka way u fududeyn kartaa in ay dowladda la xisaabtamaan oo ah isu dheelitirka la xisaabtanka iyo qorsheynta.

Qorsheynta ayaa ka horraysa la xisaabtanka

La xisaabtan wuxuu yimaadaa markii uu horay u jiray qorshe la isku waafaqsanyahay, qorshahaasna waa in ay caddahay waxa la qabanayo, sida loo qabanayo, muddada uu soconayo, kharashka ku baxaya, sidoo kale waa in la isla waafaqsanyahay dadka fulinaya ee kartida u leh xag aqooneed, xag waaya aragnimo shaqada ay qabanayaan la xiriirta iyo xag hogaamineed intaba, waxaa iyana muhiim ah in la isla ogyahay haddii loo bahanyahay agab la isticmaalayo iyo haddii la kiraysan doono cid ka baxsan hay’adda oo shaqadaa aan looga maarmin.

Caadi ahaan qorshuhu wuxuu u qeybsamaa mid dhowr sano ah oo si guud loo tilmaamayo istraatijiyadaha waaweyn madaxyadooda iyo duuduub ahaan qarashka ku baxaya

Sido kale waxaa jira mid sanad le ah oo midkaas waxoogaa ka faahfaahsan oo lagu cadaynayo tirada mashaariicda la fulinayo iyo mid kasta kharashka ku baxaya

Intaa markii la sameeyo waxaa ku xiga in mashruuc kasta si faahfaahsan loo diyaariyo oo lagu qoro shaqo kasta, meesha laga qabanayo, cidda qabanaysa oo faahfaahsan, sida loo qabanayo, gaadiidka, rugaha lagu shaqeynayo mudada la qabanayo oo faahfaahsan ugu yaraan bilkasta waxa la qabanayo iyo kharashka baxaya, sidoo kale shaqaalaha shaqada fulinaya sida loola xisaabtamayo, iyo sido kale in la isku waafaqo waxa cadaynaya in shaqo kasta la fuliyey sidii loogu talo galay ama kharash kasta inuu sidii loogu talo galay u baxay in xilliga qorsheynta la isku waafaqo dukumintiyada looga baahanyahay cidda shaqada fulisay iyo sido kale cidda saxiixayaasha ka noqonaysa shaqo kasta oo fulinteeda la oggolaaday.

Miisaaniyad waxaa lagu magacaabaa qorsheynta lacagta dowladda soo galaysa iyo midda baxaysa oo leh madaxyo sida lacagta loo dejiyey, tusaale ahaan; amniga, madaxa arrimaha bulshada, kaabayasha dhaqaalaha, mushaaraadka, madaxtooyada, iwm.

Siyaasada lagu dhowro habraaca shaqada dowladda

Qorsheyta shaqada waxaa barbar socda oo taageeraya siyaasadaha dowladda ee qeexaysa qaababka hufan ee loo sameeyo arrimaha ay ka midka yihiih shaqaalaynta, qandaraas bixinta iyo habka dakhli iyo kharash maamulka:

  1. Shaqaalaynta habka loo marayo ee caddaaladda iyo hufanta leh oo la isla ogyahay qaabkay u dhacday: taasi waxay sahleysaa in la helo shaqaale ka adag shaqada loo igmaday iyo in shacabku ku qanco habka shaqaaleynta ee dowladda
  2. Qandaraas bixinta habka loo marayo oo iyana caddaalad ah isla markaasna la isla ogyahay ee aan u dhicin qaab qarsoodi ah, qandaraas bixinta waxaa ka mid ah;

A)Dhismayaasha

B)Wax soo iibinta

C)Wax kiraynta sida gawaarida, guryaha, iwm

D)Adeegyada dowladdu ay ka hesho shirkadaha iyo shakhsiyaadka oo lacagta ku bixiso

Si qandaraasku hufnaan ugu dhoco waa in lagu xayeysiiyo joornaalo ama websiteyo shacabku wada akhristo, xog dhammaystiranna la xayeysiiyo, guddi aqoon iyo hufnaan lehna loo saaro, marka la furayana loo wada yeero dhammaan shirkadaha buuxiyay shuruudihii xayeysiinta lagu qoray, ugu dambeyntana shirkadda ugu darajo sareysa lagu abaalmariyo

Qandaraasyadu waxay hadda u egyihiim meelaha aadka shacabku indhaha ugu hayo haddi ay cadaalad u dhacaan waxay caawinaysaa shaqo hufan iyo kalsooni shacab

  1. Xisaabaadka: xisaabaadka dowladdu waxay ka bilowdaan miisaaniyad sanadeed ku salaysan qorshaha sanadlaha ah, waax kasta oo dowladda ka mid ahna mid faahfaansan ayey gaarkeeda u sameysataa, qarashka soo helitaankiisa iyo bixintiisa waxaa laga rabaa arrimaha soo socda:
  2. In aan hal qof ama labo ku kaliyeysan bixinta iyo helista kharashka, beddelkeeda waa in ay jiraan saxiixayaal la isla waafaqsanyahay oo ugu yaraan sadex ah
  3. Warqadaha caddeynta u ah kharash kasta oo baxay waa in laga helaa xafiiska kharashka bixiyey sida voucherka lacag bixinta, qaansheegada cidda lacagta heshay, hadday mushaartahay saxeexa lagu yaqaan lacag qaataha, jeegga bangiga lacagta lagaga soo saaray, dhaqdhaqaaqa akoonka bangiga iyo warbixin xisaabkeeda
  4. Warbixinta shaqadii la qabtay waa in la helaa oo ay ku jiraan sawirro
  5. In la ganaaxo ciddii musuqmaasaq ku caddaata

haddii aan hogaanka sare il gaar ah ku hayn meelaha musuqmaasuqu ka iman karo, waxay arintaasi isu bedelaysaa tusbax afka laga furay qof kastana wuxuu ku dhiiranayaa inuu hantida ummada lunsado,

waxyaabaha dhiirri geliyana waxaa ka mid ah in qofka mushaar iyo xuquuq ku habboon aan la siin, iyo in qof dowladda ka shaqeeyaa haddana uu bixiyo adeegyadii looga baahnaa meel ka baxsan dowladda sida qalabeynta xafiisyada dowladda iyo gaadiidka dowladda inuu soo gado oo wasaarada iyo laamaha dolwadda uu deyn ku siiyo, taas oo loo yaqaan daño is hardinaya  “ conflicto of interest” waa dantii dowladda iyo dantii qofka ayaa la isku dhex wadaa, waxaa la mid ah in loo fududeeyo qaraabada madaxda dowladda in ay helaan qandaraas ama shaqo

La xisaabtanka

Barlamanku isagoo raacaya qorshiihii dowladdu marki hore dagsatay oo ay si guud barlamanku u ogolaadeen isla markaana guddi hoosaadyadu ay la socdeen fulintooda ayuu barlamanku wuxuu eegayaa shaqooyinkaa wixii laga qabtay iyo wixii aan la gaarin, sido kale hufnaanta loo fuliyey, markaas ayuu go’aan ka qaadanayaa in ay dowladdu shaqadeeda ka adagtahay iyo in kale iyo talooyinka uu ka bixinayo meelaha u baahan hagaajinta.

Miisaaniyaddu waa waxyaabaha ay si sahlan uga ilaalin karaan kharashaadka baxaya ee dowladda waxay faahfaanin qanac leh waydiinayaan dowladdu sababta ay madaxyada kharashka qaarkood ugu xadgudubtay.

Haddii arrimahaas barlamanku la socdo waxaa hagaagaya waxqabadka dowladda oo horumaraya, sidoo kale waxaa yaraanaya musuqmaasuqa iyo maalintaajirka aan sharciga iyo xalaasha ahayn,

Waxaa xusid mudan, barlamanku waa inuu si gaara u eega arrinta la xiriirta caddaalad in wax loogu qabto gobollada iyo magaaloonyinka, la xisaabtankuna uu socdo xilliga qorshenta iyo fulinta.

Sidoo kale waan in barlamanku si gaara u eegaa shakhsiyaadka loo dhiibayo xilalka sare sida wasiiradda, taliyaasha sare iyo agaasimayaasha madaxa bannaan, isla markaana ku ansixiyaa kartidooda hogaamineed, waayo aragnimo iyo aqooneed, isla markaana aysan aqbalin shakhsi aan lahayn arrimahaas shaqadu u baahantahay, waxaa dhacda in si sahlan qof loogu magacaabo jago uusan u qalmin, ama qof aan la aqoon uu iska sheegto karti uusan lahayn hadhowna uu ku fashilmo.

Hogaaminta

Waxaa mudnaan gaar ah leh hogaaminta, oo ah in qofku leeyahay karti uu ku jahayn karo dadka uu madaxda u yahay isla markaana ku qancin karo in ay si wanaagsan oo hufan shaqadooda u qabsadaan, ulana xisaabtami karo wixii khaldan ku beddeli karo isagoo aan cidka uga haybaysan, tusaale wanaagsanna u noqdo hufnaanta, akhlaaqda, daacadnimada iyo kartida shaqo.

Taasi waa midda aan isleeyahay waxay keentay saluuga barlamanka ee xukuumadda ku wajahan, waxaan shakhsiyan arkay wasiir ku oranaya shaqaalaha wasaaradda “ anigu waan idiin odayeynayaaye nimanyohow shaqadiinna qabsada” isla markaana aan laba socon waxa ay wasaaraddu qabanayso oo dhan, cidda ka shaqeysa, dakhliga iyo kharashka iyo mashaariicda ay fuliso midna, waana arrin runtii tusaale u ah masuuliyad darro iyo hogaamin xumo aad u baahsan oo ka jirta waddankeenna.

Hogaamiyaha wanaagsani wuxuu la socdaa dhammaan shaqaalaha hoostagaa waxa ay qabanayaan, sida ay u qabanayaan iyo duruufaha ku xeeran isla markaana wuxuu ka caawiyaa in uu la xalliyo mashaakilka shaqo ee soo wajaha si loo gaaro yooklii la higsanayey

Haddii aad maqashay “madaxkanool” macnaheeda dhabta ah waxaa asal u ah in aan markii horeba la xulan hogaamiye shaqada dhammaystiri kara, haka timaado in uusan ka adkeyn markiisa horeba ama ha noqoto in aan loo oggolaan in uu shaqadiisa wada qabsado, taasi waxay keentay in madaxa dowladda u sarreeyaa uu noqdo midka shaqo kasta laga sugo oo dusha u ritta dhammaan shaqooyinka wasiirada, agaasimayaasha iyo taliyaasha iyo ku xigeennadooda, kana mashquulisay in uu shaqadiisii qabsado waxaynta tusaale xun u tahay hoggaan xumada lagu magacaabaa qorqodenimo “ micromanagement”  doqontii oodda qaadi weyday oo tiri mid kale halla iigu daro

Soo duuduub, Puntland waxay u baahantahay in la dhiirrigeliyo kartida waayo-aragnimo, aqoonta, hogaaminta, la xisaabtanka, wada tashi, hufnaanta iyo dariiqa intaa lagu gaari karo oo ah wacyigelin, siyaasad kaab, habraacyo iyo in la helo karti maamulo isbeddel keeni kara si loo gaaro horumar iyo midnimo.

WQ Maxamud Axmed

Daabacaadii Puntlnades.com

About The Author