Sawiro: Madaxwayne ku xigeenka oo daah-furay Todobaadka dhaqanka iyo farshaxanka Puntland

98b

30 May 2015 (Puntlandes)-Munaasibad ku saabsan kor u qaadista dhaqanka Soomaalida iyo farshaxanka xirfad-layaasha Puntland ayaa maanta oo Sabti ah ka bilowday xarunta wasaradda warfaafinta ee magalada Garowe.

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Mudane Cabdixakiin Cabdilaahi Camay oo ka mid ahaa masuuliyiintii goobjooga ahaa ayaa daah-furay todobaadka dhaqanka iyo farshaxanka oo socon doono mudo asbuuc ah.

Waxaa kasoo qayb galay sidoo kale wasiirro,xildhibaano, siyaasiyiin, odayaal dhaqan, haweenka, dhalinyaro, qurba joog iyo kooxo matalaya 9-ka gobal ee Puntland.

Ugu horayntii wasiirka warfaafinta Puntland Cabdiwali Xirsi Cabdulle (Indho-guran) oo munaasibadda ka hadlay ayaa muujiyay sida ay uga go’an tahay dowladda Puntland kor u qaadista dhaqanka iyo dhiiri-galinta dadka farshaxanka aqoonta u leh ee ku nool deeganadda Puntland, waxa uu sidoo kale sheegay inay farxad u tahay 17-sano ka dib in barnaamij miisaan intee leeg lagu qabto xarunta Puntland ee Garowe.

Indho-guran ayaa madaxda wasaradda waxbarashada Puntland ugu baaqay inay maado ka hadlaysa dhaqanka iyo hidaha ku daraan manhajka waxbarashadda si dhalinyaradu ula socdaan waxay soo ahaayeen.

Inta ay munaasibadda socotay kooxaha matalayay gobaladda Puntland ayaa soo bandhigay ciyaaro isagu jira dhaanto, Jaandheer iyo kuwo kale oo ay Soomaalidu caanka ku tahay, sidoo kale Gabayo iyo Buraabur ayaa ka mid ahaa waxyaabihii meesha laga maqlayay.

Qaar ka mid ah dadka kasoo qayb galay munaasibada oo la hadlay Puntland Post ayaa sheegay inay tahay markii ugu horaysay oo xaflad dhaqanka ku saabsan ka qayb gallaan, waxay kaloo dowladdu ugu baaqeen in barnaamijyada noocaan oo kale ah la joogteeyo si looga baaqsado falalka foosha xun ee ay dhalintu ku kacayaan sida tahriibka iyo burcad badeeda.

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Cabdixakiin Cabdilaahi Camay ayaa sheegay inay tani tahay mid farxad galinaysa umadda Soomaaliyeed dal iyo dibad, waxa kale uu Eng.Camay sheegay inay mar kasta diyaar u yihiin waynaynta dhaqanka iyo hidaha Soomaalida, sidoo kale waxa u mahad celiyay kooxihii gobaladda ka socday ee ciyaaraha iyo waxyaabaha dhaqanka ah kusoo bandhigay munaasibadda.

Todobaadka uu socda barnaamijkan ayaa lagu wadaa in sidoo kale lagu soo bandhigo gobal kasta waxa uu caanka ku yahay.

Sawirradda waxay gaar u yihiin Puntland Post – waxana qaaday Cali Cabdi Ducale

IMG_3420 IMG_3432 IMG_3445 IMG_3447 IMG_3450 IMG_3451 IMG_3452 IMG_3459 IMG_3461 IMG_3466 IMG_3476 IMG_3481 IMG_3487 IMG_3488 IMG_3490 IMG_3494 IMG_3500 IMG_3501 IMG_3507 IMG_3508 IMG_3515 IMG_3522 IMG_3526 IMG_3530 IMG_3531 IMG_3538 IMG_3542 IMG_3549 IMG_3550 IMG_3561 IMG_3563 IMG_3565 IMG_3574 IMG_3577 IMG_3579 IMG_3586 IMG_3591 IMG_3593 IMG_3595 IMG_3596 IMG_3597 IMG_3600 IMG_3608 IMG_3609 IMG_3612 IMG_3614 IMG_3620 IMG_3622 IMG_3626 IMG_3629 IMG_3630 IMG_3632 IMG_3648 IMG_3651 IMG_3652 IMG_3656 IMG_3657 IMG_3671 IMG_3672 IMG_3676 IMG_3681 IMG_3695

 

Xigasho Puntland post

Puntlandes.com

About The Author