Kooxda Qardho City oo Final u soo baxday

98c

 

30 May 2015 (Puntlandes)- Semi Finalka tartanka Kubada Kolayga ee Bariga iyo bartamaha Afrika  oo ay kooxda Qardo City la Ciyaartay caawa kooxda Dar As Salaam, ayaa waxaa Guushii ku raacday kooxda Qardo City oo ku guulaysatay 78 halka ay kooxda Dar As Salaam ay keentay 68.

Kooxda Qardho ayaa noqtay Kooxda keliya ee ilaa hadda u soo baxday Finalka, waxayna la ciyaari doontaa Kooxaha ka soo baxa Group A.

Sanadkii hore ayey ahayd markii Kooxda Caasimada Puntland ee Garowe ay Finalka u soo baxday iyadoona gashay kaalinta labaad. Waxay tanina noqonaysaa Kooxdii labaad oo Puntland ka socoto oo u soo baxda Finalka, iyadoo aysan jirin Koox ka socota Soomaaliya inteeda kale oo soo gaarta Final.

Maalinta beri ah 4pm galabnimo ayey dhacaysaa Haddii Allah idmo ciyaarta Finalka ah oo ay wada Ciyaari doonaan Kooxda Qardho City iyo Kaaoxda Cairo City. Bahda warbaahinta Puntlabdes waxay leeyihiin kooxda Kooxda Qardho City HAMBALYO, HAMBALYO waxayna u rajaynayaan Guul iyo in ay Koobka Qaadaan.

76b

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Puntlandes.com

About The Author