YUUSUF-GARAAD & CABDI QEYBDIID MAXAA ISU GALAY?! (Jawaab Maqaal uu qoray Yuusuf Garaad) WQ Farax M warsame

98f

Isma oran qof wax kala garanaya ayaa sidan wax u qori lahaa!

Waxaan akhriyay maqaal uu qoray tifaftirihii hore ee laanta afka soomaaliga ee BBC-da Yuusuf-Garaad kaas oo uu kaga hadlayay dhacdadii dadkii qaxootiga ahaa ee dagaalada Yemen ka soo cararay. Maqaalkan oo uu Yuusuf si dadban ugu durayay xukuumadda & shacabka Puntland kadib markii ay Punland sida sharafta & cisiga ah u qaabishay una soo dhaweysay dadkaa soomaaliyeed ee dhibka ka soo cararay una soo cararay dhulkoodii hooyo.

La yaab iguma aha in Yuusuf Garaad oo waqtigii tirada badnaa ee uu BBC-da ka shaqeynayay sidii la ogaana ula dhaqmay shacabka & ummadda Puntland uu maanta qoraal macnihiisu ahaa in uu xumaantii uu dadka & shacabka Puntland u qabay uu halkii ka sii wado soo gudbiyo. Laakiin arrinta aan is-weydiiyo ayaa ah waxa uu ugu soo aadiyay waqtigan iyo marxalada hadda taagan.

Intaanan sababta sheegin bal marka hore aan ka hadlo dhacdada uu Yuusuf Garaad ku soo qaaday blog uu leeyahay waxa ka run ah!. Maxay aheyd diyaaradda uu sheegay in Puntland laga celiyay sanadkii 2007? Maxaa loo celiyay? Ma jirtaa in sida Yuusuf ku andacoonayo dadkii la kala soocay & in kale, weliba uu ku sheegay in uu markhaati ka ahaa?

Diyaaraddii Gaalkacyo laga celiyay.

Dawladda Puntland waxay bishii April sanadkii 2007 haddaanan khaldaneyn ay dib u celisay diyaarad ay laheyd shirkadda dayaaradda Jubba Airlines kuna amartay in dalka Sucuudiga dib ugu celiso 118 qof oo khasab Gaalkacayo loogu soo tarxiilay iyagoon raali ka aheyn lagalana tashan xukuumaddii Puntland ee waqtigaa jirtay. Sidoo kale waxaa Iyana jiray waqtigaa illaa 1000 oo kale dumarna u badnaa oo uu qorshuhu ahaa in kuwaa laga daba-geeyo haddii isku dayga hore uu guuleysto.

Dadkaasi sida aan sheegay waxay ahaayeen dad lasoo khasbay oo aan si iskood ah u dooneyn in dalkooda ugu soo laabtaan, sidoo kale ma aheyn diyaaraddii ugu horeysay ee tarxiil wada oo ay Puntland dib u celiso, waxaa ka horreeyay diyaarado waday dad laga soo masaafuriyay waddamo Yurub & Mareykanka ka tirsan oo ay ka mid aheyd tii Boosaaso laga celiyay. Hadafka & ujeedada Puntland ee ay diyaaradahaa u celinaysay waxay aheyd in Puntland aysan noqon waddo halaq-mareen ah oo dad sharci-darro lagu wado aan la keenin laakiin ay oggoleyd oo keliya sida waafaqssan shuruucda caalamiga ah.

Yey yihiin dadka uu Yuusuf ku sheegay in diyaaradda laga reebay?

Waqtigaa intiinii la socotay arrintaa dadka diyaaradda laga reebay waxay ahaayeen 9 qof oo xanuunsan, sababta looga reebayna waxay aheyd Puntland waxay u dagaalamaysay xuquuqda dadka diyaaradda saaran, insaaniyaduna waxay na fareysaa in qofka xanuunsan meesha ama barta uu markaa ku sugan yahay lagu reebo laguna daweeyo illeyn naf baa la badbaadinayeeye (Allaa wax badbaadsha). Tanina waxay ka mid aheyd xuquuqda ay Puntland u daggaalamaeysay.

Dadka intoodii kale oo ay ku jireen dad badan oo reer Puntland ah-na dib ayaa loo celiyay. Waqtiyadaa wixii ka dambeeyay Puntland lama keenin dad sharci-darro loo wado dabcan quluubta dadkii la soo tarxiili lahaa kuma jirno laakiin waxaan is-leeyahay haddii maanta la weydiiyo tallaabada ay Puntland qaaday in in badan oo ka mid ah ay ku taageersan yihiin ama laga yaabo in ay ku baraareen sharciyo-na ku heleen.

Is bar-bar dhigga Yuusuf ee Qaxootigii Yemen & Tarxiilkii Diyaaradda.

Sidaan sheegay labadaa qolo, qolana naftooda ayay la baxsnayeen qolana naftooda in loo soo jajuubay ayay aaminsanaayeen. Qolo way ku faraxsaneyd in dalkooda dib ugu laabtaan qolana way diidaneyd. Qolo caruur & dumar ayay u badnaayeen qolana rag ayay u badnaayeen. Qolo saacad in ka yar ayay dalka ku yimaadeen qolana maalmo ayay badda ku soo jireen. Qolo markii dib loo celiyay way ku farxeen qolana way ka qeyliyeen oo ka xumaadeen.

Laakiin waa SAX in diyaaraddaasi Hargeysa ka dagtay. Dabcan marka dad noocaas ah oo tarxiil sharci-daro ah lagu wado way dhici kartaa in magaalooyin Soomaaliya ka tirsan ay yiraahdaan annagaa qaabileyna si xoogaaga kharashaka ah ee la socda ay u helaan. Meelaha dadkaa laga soo dejin jirayna waxaa ka mid ah garoomo koonfurta soomaaliya ku yaalla laakiin Puntland marna ma oggolaan in dad sharci-darro ah dalkeeda loo soo dhoofsho.

Wanaagga Puntland.

98g

Waxaa jiray erey caan baxay oo ay Puntland leedahay kaas oo ah KU DAYO PUNTLAND, wuxuu baxay markii nidaam & kala dambeyn ay dadkeeda u soo hoysay iyadoo aan ka tallaabsan wadajirkii ummadda Soomaaliyeed. Arrinta aan marna la hilmaami karin ayaa ah in Puntland ay horseed u noqotay nidaamka dowladnimo ee Soomaaliya maanta ka hirgalay waxayna ku kasbatay magaca HOOYO oo magacyada ugu wanaagsan ka mid ah. Soo dhaweyntana dabcan waxay ka mid tahay casharada wanwanaagsan ee ay aheyd in Puntland laga barto ama looga daydo, laakiin waa lagu munaafaqeyn-doonaa oo sheekooyin aan jirin ayaa la daba-dhigi doonaa si Ummadda Soomaaliyeed looga duwo fikirka wanaagsan ee ay ka qabaan ama ka qaateen dadka & dowladda Puntland,  taasi cidi isma oran!

Hadafka uu ka leeyahay soo-qaadista arrintii diyaaradda Gaalkacyo

Cid walba oo caqli u saaxiib ah maanta waa ogtahay in aan la is barbar dhigi karin labadaa arrimood laakiin waxaan is-iri wuxuu doonayaa in uu bartii ka sii miiso xumaantii uu dadka Puntland u qabay laguna yaqaanay. Laakiin arrinta muhiimka ah in la xuso ayaa ah Puntland waa dad aan calool-ku-qaad laheyd oo wixii uu Yuusuf Garaad u geystay shacabkooda waxay ka soo qaadeen xalay-dhalay isagoo marar badan Puntland Safar ku tagay halkaana lagu soo dhaweeyay. Isagana uma horreyne C/qdi Qeybdiid oo shacab ku xasuuqay Gaalkacyo ayaa maanta Puntand meeshii uu doono ka mara.

Waxaan ku soo gabagabeynayaa  ummaddu khalad waa gashaa waana ka soo noqotaa laakiin garan waayay waxa isu-galay C/di Qeybdiid oo intuu dad laayay markii laga cafiyay weli u bisibisoonaya in uu kuwo kale ku daro & Yuusuf Garaad oo qalin ummaddii ku baaba’shay uu weli doonayo in uu bartiisii ka sii wado.

F.G.  Ereyga MAXAA ISU GALAY kama wado in labadaa shakhsi ay isku beel ka soo jeedaan laakiin macnaha aan ula jeedaa waa SIDAAN U QORAY!

 98j

WQ: Farah M Warsame

Xigasho: https://farahwarsame.wordpress.com/2015/05/31/yuusuf-garaad-cabdi-qeybdiid-maxaa-isu-galay/

About The Author