Dhagayso: Gudoomiyihii hore ee Gobolka Mudug oo u Hambalyeeyey Kooxda Qardho City

24

31 May 2015 (Puntlandes)- Gudoomiyihii hore ee Gobalka Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac (Tigey) ayaa sheegay inay tahay wax ay dhamaan umadda Soomaaliyeed ku faani karto markii labaad oo ay koox Soomaaliyeed timaado ciyaarta ugu danbaysay ciyaarta kubadda Kolayga ee sanadkan lagu qabtay wadanka Tanzania.

Kooxda Qardho City oo sanadkan ka qayb gashay koobka ayaa saddex ciyaarood oo ay soo Ciyaartay uga badisay dhibco badan kooxaha Tanzania iyo Koonfurta Suudaan.

Finalka ayey la ciyaartay Kooxda Qardho City Kooxda Qaahira iyadoo looga badiyey Kooxda Qardho City 56-76 oo au guushu ku raacday Kooxda Qaahira.

Tigey ayaa sheegay inay tani dib usoo celinayso rajadii Soomaaliya ee ciyaaraha, dhalinyaradda ayuu ugu baaqay inay dhulkooda aaminaan oo ay xooga saaraan xirfadaha kala duwan sida kubadda cagta, kolayga iyo ka shaqaynta horumarka.

Maxamed Cabdiqaadir Cali Cigaal oo ka mid ah dhalinyarada aadka u firfircoon ee Gobolka Mudug lana soo xiriiray Warbaahinta Puntlandes ayaa waxa uu u hambalyeeyay Kooxda Qardho City Guusha ay gaartayisagoo intaa ku daray inay kooxda Qardho City Ciyaar wanaag iyo karti dheerad ah, waxayna u rajeeyeen inay koobka ku guulaystaan.

Dhagayso Gudoomiye Tigey


Puntlandes.com
Puntlandes.com.

About The Author