Akhriso warmurtiyeedka Shirka Wadatashiga Siyaasiyiinta Puntland: madaxweyne Deni laguma aamini karo geesi-socodka dimoqraadiyadda Puntland

15 May 2023 (Puntlandes)  Shirkii Wadatashiga Siyaasiyiinta Puntland ee Garowe ka socday labadii cisho ee u dambaysay ayaa waxaa laga soo saaray warmurtiyeed.

Madasha ayaa warmurtiyeedka ku sheegtay in doorasahda golayaasha deegaanlka ee la asteeyey 25ka bishaan inay Puntland u horseedayso xasilooni darro siyaasadeed iyo amni darro.

Sidoo kale waxay hoosta ka xariiqeen in uusan madaxweyne Deni lahayn dhaqan dimoqraadiyeed aannna lagu aamini karin geesi-socodka dimoqraadiyadda Puntland.

Madasha ayaa waxay sidoo kale caddaysay in doorashadaas ay baalmarsan tahay qodobka 7aad ee dastuurka Puntland maadaama aan laga wada qabanayn Puntland oo dhan.

Golaha Wakiilada ayey Madashu sheegtu waa inuu yimaadaa midkii bedeli lahaa ugu dambayn 31da december 2024 madaxweynahana 8da janaayo 2024ta.

About The Author