Dagaal qaraar u dhexeeya ciidamada dowladda iyo mucaaradka oo ka socda Garowe

20 June 2023 (Puntlandes) Dagaal qaraar oo u dhexeeya ciidamada dowladda iyo mucaaradka ka soo horjeeda muddo kordhinta ayaa maanta ka qarxay magaalada Garowe ee caasimadda Puntland.

Dagaalka ayaa bilowday kadib markii xildhibaannada Baarlamanka Puntland ay guda galeen ka doodista qodob la xiriira furista Dastuurka.

Dagaalka ayaa dhaliyey qasaare isugu jira dhimasho, dhawáwac iyo burbur hantiyeed, walina waaa uu socdaa.

Dhawaqa rasaas culus oo ay is weydaarsanayaan labada dhinac ayaa laga maqlayaa xaafadaha kala duwan ee Garowe.

Shacabka magaalada ayaa ilaa xalay ku jiray qax ay guryahooda uga qaxayaan colaada ka aloosan Garowe oo ay sabab u tahay madaxweynaha oo diidan inuu doorasho qabto marka muddo xileedkiisu dhamaato.

About The Author