Muuqaal: Gudoomiye C/rashid Jibril ”waxa bilaamay 30kii cisho ee wacyigelinta shacabka ee wax ka bedelka Dastuurka”

21 June 2023 (Puntlandes) Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland Cabdirashid Yusuf Jibril ayaa wuxuu sheegay in aysan jirin cid Golaha hor istaagi karta inuu waajibkiisa guto.

Gudoomiyaha ayaa Xildhibaanada uga mahadceliyey codayntii ay ewshalay u codeeyeen in la furo dastuurka Puntland isagoon soo hadalqaadin dagaalkii uu dhaliyey iyo khasaarihii ka dhashay midna, wuxuuna yiri “Waxaan idinkaga mahad-naqayaa sidii geesinimada lahayd ee shalay sameyseen, sida aad waajibaadkiina Dastuuriga ah u gudateen iyo sida aad qiyamka, sharafta iyo kaaramada reer Puntland u badbaadiseen runtii aad iyo aad baan idinkaga mahad-naqayaa”

Gudoomiyaha ayaa yiri ”waxa bilaamay maanta 30kii cisho ee wacyigelinta shacabka ee wax ka bedelka Dastuurka”

About The Author