Sawirro: Somaliland oo duqaysay Laascaanood & diyaargarow dagaal oo ay wado

24 June 2023 (Puntlandes) Maamulka Somaliland ayaa maanta duqayn aan kala sooc lahayn la beegsanaya goobaha muhiimka ah ee magaalada Laascaanood, xarumaha Isgaarsiinta, Kaalmaha Shiidaalka iyo Goobo ganacsi ayaa lala beegsaday duqaynta saaka.

Duqaynta ayaa waxay sababeen burbur hantiyeed, dhimasho iyo dhaawac soo gaaray shacabka magaalada.

Dhanka kale Taliyaha Ciidanka Somaliland Gen Nuux Taani ayaa kulan kula leh miiska saraakiisha ee Goojacade Taliyayaasha ciidamada Somaliland.

Somaliland oo waday maalmihii la soo dhaafay diyaargarow dagaal, gaysayna Goojacadde ciidamo badan ayaa sidoo kale diyaarisay gaadiidka caafimaadka ayaa soo gaaray 3 aag oo ay ciidamada Somaliland kusugan yihiin.

About The Author