Sanetor Gaagaab ” C/rashiidow anigu waxaan ka mid ahay dadkii Puntland Aasaaskeeda qaybta ka ahaa ee mihii dad soo shaqa tegay”

24 June 2023 (Puntlandes) Sanetor Maxamed cali Yuusuf (Gaagaab) oo ka mid Senetorada laga soo doortay Puntland ee aqalka Sare ayaa iska difaacay eedayn culus oo uu u jeediyey gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland isagoo ku eedeeyey Villa Somalia u soo dirtay inuu burburiyo Puntland.

Sanetor Gaagaab ayaa yiri”C/rashiidow anigu waxaan ka mid ahay dadkii Puntland Aasaaskeeda qaybta ka ahaa ee mihii dad soo shaqa tegay”

Gudoomiye Cabdirashid Yusuf Jibril sheegashada uu sheegay inuu Sen. Cabdullahi Timacadde iyo Madaxweyne kuxigeen hore Senetor Gaagaab ka Puntland difaacayo waa sheeko aan gadmayn ayna ahayd inuu shacabka kala xishoodo.

About The Author