Akhriso Taliye Shub oo ciidanka Asluubta kusoo rogay lacag laga jari doono, talaabana laga….

26 June 2023 (Puntlandes) Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliya Gen Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa amray in liiska ciidanka Asluubta laga saaro, askarigii iyo sarkaalkii diida in mushaarkiisa bishaan June laga jaro lacag uu taliska soo rogay oo u dhaxeysa 200$ ilaa 10$.

Sababta ayuu ku sheegay in lagu dhisi doono xarumaha ciidanka, balse waxaa jirta Miisaaniyad gaar ah oo ay dowladda Soomaaliya u qorsheysay dhismaha xarumaha ciidanka iyo kuwa dowladda.

Ciidanka Soomaaliya ayaa qaata mushaar aad u yar iyadoo ay ku geedaaman yihiin daruufo kala duwan, halka ciidanka qaarna bil kasta ay iska jaraan lacag loogu talagalay carruurta agoonta ah ee saaxiibadood.

Askarigu xaq ma loogu leeyahay in Mushaarkiisa la jarto, haddii uu diido ama daruuf sheegto la ruqseeyo?

About The Author