Booliska Puntland oo sheegay in ay gacanta ku dhigeen Ajaaniib ka tirsan Daacish

26 June 2023 (Puntlandes) Ciidanka Booliska Puntland ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen Ajaaniib ka tirsan Daacish una dhashay Suudan iyo Suria.

Hoos ka akhriso warsaxaafadeedka ka soo baxay Ciidanka Booliska Puntland

Hawlgal kadhacay aaga gobolka Camaamo oo udhow degmada Balidhidin ee gobolka Bari laguna beegsanaayey maleeshiyaadka Daacish, waxay ciidanka Booliska Puntland gacanta kusoo dhigeen Ajaaniib udhashay Dalalka Suudaan iyo Sayria uuna kamid yahay Mohamed Ibraahim Daaha.

Hawlgalka ayaa kusoo aadaya xili Daacish ay kusoo kordhayaan Ajaaniib badan,Horaantii Jan 2023 ayay ahayd markii hawlgalo ay fuliyeen ciidanka Booliska Puntland lagu dilay Madaxii hawlgalada Daacish Abu Albara Al amani oo udhashay gobolka Amara ee wadanka Itoobiya.

Ciidanka Boliiska Puntland oo kaashanaya xuuraankiisa ayaa wada qorshe balaaran oo lagula dagaalamayo argagixisada Daacish iyo Alshabaab.

Muwaaadin haddii aad dareentid wax amniga khalkhalgelinaya ama aad kashekidid sifudud ula sooxiriir numbarka fudud ee 999 goobkasta iyo meelkasta aad joogtid

DHAMMAAD

About The Author