Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland: Maxkamadda Sare wax sharciyad ah uma haysato shaqo ka joojinta xubinta PEC

11 Sep 2023 (Puntlandes.com) Gudoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Cabdirashid Yusuf Jibril ayaa soo saaray qoraal uu uga jawaab celinayo goaankii Maxkamadda Sare ku hakisay xubinimada Faadumo Siciid Axmed oo kamid ah guddiga PEC kadib markii ay dacwad ka gudbiyeen xubno ka tirsan xisbiga shaqaalaha ee Puntland.

Xubintaan oo uu ansixiyey Baarlamaanka Puntland ayaa waxaa qoraalka gudoomiyaha lagu sheegay inay dhaariyeen xubno ka socda Maxkamadda Sare oo uu hogaaminayey kusimaha ahna gudoomiye kuxigeenka Maxkamadda Axmed Sheekh Cumar.

Qoraalka gudoomiyaha lagu sheegay inaysan Maxkamadda Sare wax sharciyad ah u haysan shaqo ka joojinta xubintaan, waxaana lagaga codsaday inay ilaaliso sharciga.

About The Author