Golaha Deeganka Degmada Gaalkacyo oo doortay gudoomiye & kuxigeen

14 Sep 2023 (Puntlandes.com) Golaha Deeganka Degmada ayaa Xasan Maxamed Jaama (Jidxun) u doortay gudoomiyaha Degmada Gaalkacyo halka Maxamed Ciise Xusseen loo doortay ku xigeenka.

Ka hor inta aysan dhicin Doorashada labadan masuul ayaa waxaa goobta lagu dhaariyey Xildhibaanada Golaha iyadoo uu dhaariyey Gudoomiyaha Maxkamada Gobolka.

Xassan Jidxun ayaa laga soo doortay Ururka Kaah, halka ku xigeenkiisuna laga soo doortay Ururka Ifiye, waxayna ku yimaadeen midow ay sameeyeen Kaah iyo Ifiye.

Hoos ka daawo hadaljeedinti Gudoomiye Xasan Maxamed Jaama kadib markii loo doortay gudoomiyaha Degmada Gaalkacyo

About The Author