Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay taliye ku xigeenka ciidanka xoogga dalka iyo taliyaha ciidanka lugta

18 Sep 2023 (Puntlandes.com) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xeer Madaxweyne ugu magacaabay Sareeye Guuto Madeey Nuureey Sheekh Taliye Ku xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, isagoo ku bedelay Taliye kuxigeenkii hore Cabbaas Amiin.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa darajada Gaashaanle Sare u dalacsiiyey Dayax Cabdi Cabdulle, wuxuuna u magacaabay Taliyaha Ciidanka Lugta ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, isagoo ku bedelay Taliyihii hore ee Ciidanka Lugta Axmed Aadan Cali oo bishii June xilkan loo magacaabay.

G/sare Dayax oo horey usoo noqday Taliyaha ciidanka gaarka ah ee GorGor, ayaa wuxuu ka soo jeeda gobalka Mudug, Puntland.

Taliyihii hore ee Ciidanka Lugta Axmed Aadan Cali oo bishii June xilkan loo magacaabay ayaa waxaa keenay Madaxweynaha Jubaland isagoo ka soo jeeday gobolka Gedo.

About The Author