Muuqaal: Xildhibaanada Beesha Awrtable ”haddii Sanduukh la dhgo oo labo walaalo ah ku guulaysato waanu soo dhawaynaynaa waan la shaqaynaynaa laakiin in loo magacaabo yeeli mayno”

18 Sep 2023 (Puntlandes.com) Wadada Garowe iyo Galkacyo oo ay ciidamo kasoo jeeda beesha Yuusuf Darood (Awrtable) Jidgooyo dhigteen ayaa waxaa Wadada ka qaaday Ciidamadaas Xildhibaanada ku metela beesha golaha deegaanka degmada Burtinle.

Xildhibaanada ayaa goobta ka sheegay in wadadu ay furantahay isku socodkuna uu sidiisi hore yahay iyagoo dowladda Puntland ka codsadey in la xaliyo tabashada beesha.

Xildhibaanada ayaa yiri ”haddii Sanduukh la dhgo oo labo walaalo ah ku guulaysato waanu soo dhawaynaynaa waan la shaqaynaynaa laakiin in loo magacaabo yeeli mayno”

Madaxweyne Deni ayaa doorashadii uu shacabka ku qalday ee qof iyo cod waxa uu u bedelay mid uu madaxda degmooyinka soo magacaabayo, taas oo dastuurka baalmarsan.

About The Author