Muuqaal: Faysal Cali Waraabe “Yoocada, Laascaanood iyo Buuhoodle degdeg uqabsanaynaa, Xassan Sh ayaa dagaalka Sool lagu fashilinayaa”

20 Sep 2023 (Puntlandes.com) Gudoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe oo saxaafadda kula hadlay Hargaysa ayaa sheegay in haraadigii AUN Siyaad Barre wax uu ugu yeeray ay ku soo duuleen Somaliland.

Faysal ayaa ku hanjabay inuu Ciidanka Somaliland qabsan doono magaalada Laascaanood, Buuhoodle iyo Yoocada, oo uu ku sheegay xadka Somaliland.

Faysal Cali Waraabe ayaa yiri “Yoocada, Laascaanood iyo Buuhoodle deg deg ayaan u qabsanaynaa, Xasan Sheekh ayaa dagaalka Sool lagu fashilinayaa, waana Hambalaynayaa MW Xasan, Jabuuti, Soomaaliya iyo Somaliland waa 3 dawladood waana jirayaan”

About The Author