DIGNIIN: Roobab baaxad leh oo dalka oo dhan ka da’aya iyo digniino soo….

27 Sept 2023 (Puntlandes.com) Waxa la saadaalinayaa in ay ka da’i doonaan roobab xoogan inta u dhaxaysa bilaha Oct-Dec Soomaaliya, iyadoo in ka badan 90% ay roobab ka badan kuwa caadiga ah ka di’i doonaan meelo badan oo dalka ka mid ah.

Roobabkaan El Niño ayaa laga yaaba in ay noqdaan kuwo kabadan ilaa 2- 3 jeer inta caadiga ah.

In ka badan 1.6 milyan oo qof ayaa halis ugu jira fatahaado, gaar ahaan kuwa ku nool dooxooyinka u dhow wabiyada Jubba iyo Shabelle iyo meelaha ay horay uga dhaceen fatahaadaha sida Qardho.

Daadad xooggan ayaa sidoo kale laga yaabaa inay ka dhacaan gobollada kale. Iyado sidoo kale ay jiri karto halis dhulka xeebaha ah sida Eyl.

Daadadkaan waxaa laga yaabaa inay horseedaan khasaare nafeed, burbur kaabayaasha dhaqaalaha, waxa sidoo kale khasaare soo gaarikaraa beeraha iyo xoolaha. Arintaas ayaa keeni karta khalkhal ku yimaadda helitaanka biyaha iyo fayadhowrka.

Hadaba waxaa lagula talinaynaa dhamaan maamulka degmooyinka, dhalinyarada, iyo cidkasta inay feejignaadaan sido kalena wacyigeliyaan dadka nugul ee ku nool, miyiga, IDPs-ka, xeebaha iyo sidoo kale dhulka hooseeya.

About The Author