Bosaso oo xukuumadda Deni ay ku adkaatay inay fariisiso goleheeda deegaanka & wasiir Juxaa oo loo gacan dhaafay

27 Sept 2023 (Puntlandes.com) Magaalada Bosaso oo ah xarunta ganacsiga Puntland ahna magaalo muhiim ah ayaa iminka kataagan jaahwareer ka dhashay fariisinta  goleheeda  Deeg aanka dhawaan lagu doortay doorashadiii fartu ku  godnayd ee ka dhacday Puntland.

Magaaladu waxay u baahana tahay gole deegaan oo shaqeyn kara, laakiin sida wax u socdaan waxay muujineysaa sida Siciid Deni dimoqraadiyadda u yaqaan doonistiisa oo kaliya.

Wixii Siciid Deni ugu yeearayey dimoqraadiyadda oo isku bedeshay magaabis ayaa Bosaso waxaa ku heshiiyey in ay magacaowdaan madaxda afar urur oo kala ah Sincad, Mustaqbal, Kaah iyo Ifiye oo isku haysta 19 xildhibaan, waxaase si gaar ah loo siiyey Maayarka Sincad iyo halka Mustaqbal la siiyey inuu soo magacawdo kuxigeenka,

Sincad iyo Mustaqbal ayaa mid kastaa haystaa 4 xildhibaan oo kaliya, halka Kaah uu haysto 9, Ifiye na 2, Mideeye oo loo heshiiyeyna wuxuu haystaa 13 Xildhibaan..

Sincad ayaa ololihii doorashada cod uga helay beelaha qaarkood in uu siinaayo guddoomiyaha ama ku xigeenka gaar ahaan beesha Warsangeli laakiin hadda wuu uga baxay, waxaana uu guddoomiyaha siiyey Ina Shanle oo ah qurbejoog.

Wasiirka Arimaha Guduha Cabdi Faarax Juxaa ayaa diidey in uu Bosaso tago, waxa uu dalbadey in ay noqoto magaalada u danbeysa ee la fariisiyo goleheeda, isagana lagu ixtiraamo, lakaiin waxaa arinta soo fara geliyey oo ku gacansayray Siciid Deni oo u direy Wasiirada maaliyadda Dhabancad iyo biyaha Caarshe.

 Wasiirada ayaa waxaa ku adkaatey in ay helaan Kooram ay ku fariisiyaan Golaha kadibna ku dhawaaqaan madaxda laso magacaabay. Xildhibaanadii Kaah oo garan waayey sabab ay u dhaartaan, waxay sheegeen in ay beelahooda cod xisbiga uga keeneen iyaga oo haysta 9 Xildhibaan la yiri waxaad dhisaysaan kuwo haysta 4 xildhiaan oo keliya.

Wararku waxay sheegayaan in 7 xildhibaan oo kamid ah Kaah ay si rasmi ah u diideen in Bosaso noqoto meel uu Xisbiga Sincad gudoomiye u soo magacaabo.

Wasiir Dhabancad iyo Caarshe ayaa la soo hadley Guddoomiayaha Sincad Jabiye oo ku sugnaa Garowe, waxaana uu isla maanta u baxay Bosaso, iyagoo ka codsadey in uu jeebka furo oo laaluusho xildhibaanada.

Qorshaha xukuumadda Deni ayaa ah in Xildhibaanada la isugu geeyo Garoonka diyaaradaha oo ay ilaaliyaan ciidamada PMPF halkaasna lagu dhaariyo, laakiin ilaa hadda waxaa hor taagan in aysan haysan Kooram.

Waxaa waxgaradka magaaladu iswaydiinayaa siday ku shaqayn karaan maamul xoog loogu magacaabay garaanka sidii Xidhibaanadii Federaalka ee labada saacadood uu Siciid Deni ku soo saaray 16ka Xildhibaan.

Dimoqraadiyadda DSiciid Deni waa mid aan waxna aan maqal waxna aan arkin waana doonistiisa oo kaliya.

ayaa sheegaysa in sida loo kala aqlabiyad badan yahay loo dhiso maamulada laakin

About The Author