Xasan Shiikh oo guda galay dhammaystirka iyo wax ka bedelka Dastuurka dalka

07 Feb  2024 (Puntlandes.com) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh oo guda galay dhammaystirka iyo wax ka bedelka Dastuurka dalka ayaa Guddiga Dastuurka la wadaagey in ay Baarlamanka horgeeyaan 14-ka.

Nuqulada lagudbinayo, waxaana kuqoran dhammaan qodobadii ay May 2023-kii gaareen Madaxda Koonfurta dalka (Madashii), oo ay kasoo horjeesteen madaxdii hore ee dalka iyo Puntland ayaa ka mid ah.

Qodobadii ay hore isugu raaceen Madasha Qaranka ayaa waxaa ka mid ah in xilka Raysal wasaaraha meesha laga saaro, lana sameeyo Madaxweyne ku-xigeen iyo laba Xisbi Qaran.

Tani ayaa muujineysa in Madaxda DFS ay ka baaqatay gogoshadii Deni sheegey in uu dhigey Garoowe oo la filayey in ay isu keento saamileyda siyaasadeed ee Soomaalida oo idil.

About The Author