Hey’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed oo beenisay in aanay jirin diyaarad Ambulance oo laga celiyay hawada Soomaaliya.

08 Feb  2024 (Puntlandes.com) Hey’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa beenisay in aanay jirin diyaarad Ambulance oo laga celiyay hawada Soomaaliya.

Maamulka Somaliland ayaa ku eedeeyey dawladda Federaalka inay saxixii u diiday oo hawada ka celisay diyaarad Ambulance ah oo Addis Abeba u qaadi lahayd ganacsade xanuunsanaa.

Hoos ka akhriso warsaxaafadeedka Hey’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed:

War-Saxaafadeed

Khamiis, February, 8, 2024, Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, waxay u caddeynaysaa muwaadiniinta Soomaaliyeed inaysan jirin diyaarad nooca gargaarka caafimaadka (Air Ambulance) oo wax codsi ah usoo dirtay si ay uga degto garoommada dalka, sidoo kale ma jirto diyaarad nooca gargaarka caafimaadka (Air Ambulance) oo laga celiyay hawada Soomaaliya.

—Dhammaad—

About The Author