W/Q wasiir Abdisaciid “Deni wuxuu ka aradanyahayay habdhaqanka dowladnimada”

Deni wuxuu ka aradanyahayay habdhaqanka dowladnimada. Awrka (Ratiga) Sonkorna waa sidaa, qodax buuse ka daaqaa!

Puntland waa dhul strategic ah, dadkuna yihiin dad karti leh oo iskood wax usoo saarta. Waxwalba oo looga faaiideyn lahaa looma sameyn habdhaqan lagu abuuro currinta iyo xirfadaha. Dhalinyarada xoogga ku jira lagama faaiideysan.

Majirto wax adeeg bulsho ah oo dawladda Puntland laga helay 5tii sanno ee lasoo dhaafay. Intaas waxaa u dheeraa dagaal, hurin colaad qabiil, iskuday dilal qorshaysan iyo canshuurtooda oo dalal kale lagu maalgashado.

Ha ahaatee, asxaabta qaar baa isoo weydiiyey Md. Saciid Cabdullaahi Deni waa isbadeli karaa — ee maxaa la gudboon inuu qabto? Ayadoo la ogyahay marxaladaha, mawjadaha, iyo mushkuliyoonka ku xeeran Puntland iyo Soomaaliya oo dhan?

Anigoo og inuu Deni ka arradanyahay habdhaqanka dawladnimada, uusan fahmin dhaarta Allah ee uu maray, mas’uuliyada, iyo dadnimadeeda hadana waa dhici kartaa inuu fahmo Puntland in god dheer gashay oo aysan lahayn meel laga soo jiido. Una baahantahay talooyin fog, shaqo dhab ah iyo aragtiyo dheer oo ka baxsan dhowrka qof ee u qaabilsan sabcinta, fanaaniin lacag lagu siiyo inay faaniyaan, Iyo dhalinyaro social media oo la yiraahdo reer hebel ama hebel aflagaadeeya.

Anigu waxaan ku jiraa dadka aaminsan qofka siyaasiga ah waxaa lagu qiimeeyaa habdhaqankiisa ee lama eego wuxuu sheego ama laga sheego. Marka tallaabada ugu horeysa ee Md. Saciid Cabdullaahi Deni lagu fahmi karo waa qaab-dhismeedka xukuumadiisa. Arimaha Puntland ku geedaaman dhinac walba waa mushkilooyin aad u waaweyn, qaar 5tii sanno ee lasoo dhaafay bay sameysmeen.. qaarna waa wax geopolitics ku yimid oo ka weyn fahamka iyo aragtida hal qof.

Puntland waxay u baahantahay shaqsiyaad leh faham, karti, aqoon iyo xiriir looga dabaalan karo mushkilooyinkaas.

Su’aasha isweydiinta mudan waa— ma dhici kartaa ninka lacagta ku bixinaya in heeso faanis iyo buunbuunis ah loo sameeyo uu is badalo? Macquul miyaa qof looga bartay 5tii sanno ee lasoo dhaafay run la’aan, Cadaal daro, iyo eex in laga helo hufnaan, adeeg bulsho, iyo xulasho xukuumad karti, khibrad, iyo aqoon ku dhisan? Caqligii fayoobi jidh fayow buu leeyahay!

W/Q:- wasiirkii hore ee arrimaha dibadda DSF Abdisaciid Muuse Ali

About The Author