Wasiir kuxigeenka Arimaha Gudaha Puntland oo la dhaawacay

09 Feb  2024 (Puntlandes.com) Wasiir kuxigeenka Arimaha Gudaha Puntland Maxamed Musadaq ayaa ku dhaawacmay weerar dhagax loo adeegsaday oo caawa lagu qaaday hotel isaga iyo wefti uu hoggaaminayo ay ka degenaayeen magaalada Xarfo ee gobolka Mudug.

Wasiirka ayaa degmada Xarfo berri ka furi lahaa kalfadhiga Golaha Deegaanka degmadaasi, lamana garanayo inuu la xiriiro weerarku.

Weli lama oga waxa uu salka ku hayo weerarkaan waxaana wasiirka lagu dabiibayo cisbitaal ku yaal degmada Buurtinle ee gobolka Nugaal.

About The Author